Monthly Archives: July 2013

Kulan Xasaasi ah oo xalay fiidkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saacid oo aqoonsan doona Maamulka Jubbaland

Kulan Xasaasi ah oo xalay fiidkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saacid oo aqoonsan doona Maamulka Jubbaland, Warbixin

Thursday, July 25th, 2013 |Moment Media Ethics- Sida ay sheegayan Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho fiidnimadii xalay oo khamiis soo galaysay waxaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kulan ku dhex maray Madaxda ugu sareysa dalka oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal Wasaare Saacid, Wakiilka Qaramada Midoobay Nicholas Kay, Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka kenya ahna kuxigeenka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga, Wakiilo ka socda dalalka IGAD, Afrika iyo Midowga Yurub.

Kulankan oo ahaa casho iyo mid lagu lafagurayay arrimaha ka taagan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa moodaa in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay aqbali doonaan Maamulka Axmed Madoobe Madaxda ka yahay maadama Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha sidaas isku afgarteen, waxaana kulanka joogay wakiilo ka socday Axmed Madoobe.

Kulankan ayaa waxaa uu daba socday kulan Magaalada Adis ababa ku dhex maray Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Ergay metelaysay Axmed Madoobe.

Sida ay sheegayan kulankaas toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Adis ababa waxaa lagu gaaray heshiis hordhac ah oo u muuqday in Dowladda Soomaaliya ugu dambeyntii aqbashay madaxweynimada Axmed Madoobe.

Haddii aan u soo laabto kulankii xalay fiidkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa muuqatay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo markii hore kulan hordhac ah ku yeeshan Madaxtooyada is qasbayan oo aysan raali ka ahayn qorshaha Nicholas Kay iyo beesha Caalamka laakiin si dirqi ah ku ogolaadan inay aqoonsadan Axmed Madoobe.

Ra’iisal Wasaare Saacid oo Mashaakil ka haystay arrimaha jubbooyinka maadama taageerayaashiisa laga saaray Magaalada Kismaayo aad ayay ugu adkeyd inuu bedelo mowqifkiisa hore laakiin wararka ayaa sheegaya in dhinacyada isku haysta kismaayo iyagana la heshiisin doono.

Qorshaha cusub ayaa waxaa uu yahay in Dowladda Soomaaliya ay aqoonsato Maamulka Axmed Madoobe kaas oo shaqeyn doono oo kaliya 12 bilood kadibna la sameyn doono doorasho cusub.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh oo awal si cad u diidana Maamulka Axmed Madoobe hadda ogolaado waxa iska cad in la saaray culeys Siyaasadeed aad u ballaran taasina waxay qeyb ka noqon doontaa fashilkiisa Siyaasadeed iyo waaya aragnimo xumada ka haystay arrimha Siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu weyn doona taageerada beesha uu ka soo jeedo Saacid oo awalba marka la eego beelaha daaroodka uu ka haystay beesha Mareexaan.

Moment Media Ethics

Former Prime Ministers wants to come back after looting the wealth of the Somali people.

new_spoilers

July 24, 2013 | Moment Media Ethics -There has been a lot of discussions in the Somali local media that some old Prime Ministers such as Ali Khalif Galayr, Ali  Geedi, Omar Abdirishid and two of the failed candidates of the Somali president Dr. Badiyow, Yusuf Garad and unknown people met at both in Kampala, Uganda and Nairobi, Kenya to organization a blot to undermine the current president HE. Hassan Sheikh.

First of all, whatever these people do they can’t even undermine the progress and the direction of the current government policy. In addition, the Somali people are now mature and understand that these former Prime Minister are not suitable to govern Somalia again. Already the Somalis have called them names such as Trouble Makers (Qaswadayal), looters (bililiqaystayaal), Incompetents (kartilaawayaal ) etc.

Let history speaks by itself. First of all these former Prime Ministers their record speaks loud and clear. Actually before they talk they must compare their record with this president’s record. If you look back the era of these Prime Ministers, they didn’t accomplish anything to help the Somali people during their period of reign, they just filled their pockets with the little money donated by foreigners. They lacked good leadership skills to lead the Somali people from their crisis. They were incompetent, corrupt, manipulators, lairs, always suspicious of others and solely trust their close relatives.  Some of them were foreign stooges and only doing what they told to do. They brought the Ethiopian army in the country. These Prime Ministers history already has charged them as failures and not trustworthy.

Some of other opponents such Badiyow and Yusuf Garad, they both competed with this current President H.E. Hassan Sheikh and lost it therefore, it is shameful for them to come back after six month and state that the President miserably failed with no concrete proof to show. Therefore, it is better for them now to back off and let this president conduct his work. If Badiyow and Garad have good qualities and leadership qualities, the current parliamentarians who represents the Somali people would selected them therefore they are better be ashamed and look the interest of the Somali people. Instead of opposing this President, it would have been better for them to come out and support this president. That is where their future interest lay. People will remember them as thugs, greedy, power hungry who only want to fill their pockets as the so called former Prime Ministers they are now associating with.

Few months ago it was Ali Khalif Galayr and Sheikh Sharif Sakiin and some flabby members of parliaments tried to put a motion to defeat the current government and they failed miserably. The reason they failed is because there are competent and reasonable parliamentarian now in the Somali parliament who knows how to play politics and determined that Somali government ought to succeed regardless to their differences. People like Ali Khalif Galayr and Sharif Sakin and some unknown parliamentarian who lost influence want to create mayhem in the country because their pocket is have empty and they want to fill it again and that will not happen.

The work this President has conducted up to know is outstanding and no other person can come close to him. H.E. Hassan has demonstrated good leadership qualities. He brought back the full name of Somalia and there is no more so called Transitional Somali government. His government is fully recognized and the Somali flag is flying again all over the world included the sports world.

Finally, the Somali people must be aware of these former Prime Ministers and their associates whose main goal is to come back and loot again because what they looted from the Somali people is almost finished and they want to fill it again. People must not listen to these thugs and looters to come back again and disturb the little progress this current government have achieved. We have good President and government and good Parliamentarians. They are much better than what we have seen before therefore, we must support them until their mandate ends. It is only four year. If they fail during their mandate, then we have to kick them out and if they succeed we must reward them for another term. This is how things should go. May Allah show the Somali people the right path? Amin

Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda!!

 Faallo: Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda!!

Faallo: Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda!!

Faallo: Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda!!

22/07/2013 – Moment Media Ethics – Justicein Somalia  – Waxaa baryahani danbe saxaafadda kusoo baxayey in kooxo lagu sheegay in ay xilal kala duwan dalkan horey uga soo qabteen ay kulamo ku yeelanayeen Hoteelo ku yaalla Caasimadaha wadama dariska ah, kuwaasoo sida muuqata isu gaashan buureysanaya in ay burburiyaan Dawladda hadda ka hana qaadey dalkaSoomaaliya, iyagoo eedeymo aan loo meel dayin soo mariyey saxafadda gudaha.

Arintani waxay daah fureysaa sida markale ayna cadowga Soomaaliya u doonaynin in ay hana qaaddo dowlad Soomaaliyeed nooc kasta oo ay tahay, waxaase yaab leh in xilli kasta ay jiraan tabcanayaal u taagan ka hor imaadka danta dalkooda iyo dadkooda, kuwaas oo aan wax ku qaadan taariikhda iyo dhacdooyinka lasoo marey.

Read the rest of this entry

Taariikhda Madow ee Qaswadayaasha Soomaaliya | QEYBTA KOOWAAD

imageGen. Darwiish.JPG

22 July 2013  (Moment Media Ethics) – Beryahan waxaa Warbaahinta hareeyey Koox Dowladnimada 22 Sano ka bacdi Soomaaliya usoo bidhaantay isku dayaya in ay carqaladeeyaan haddii ay awoodaan! Kooxdan ayaa isugu jira Dagaal-oogayaal, Rag horey Hanti Qaran u lunsaday, Rag qurbaha howl-gab ku soo noqday iyo Xildhibaanno ka soo jeeda NFD.

Raggaan ayaan isku dayayaa in aan wax ka tilmaamo Taariikhdooda Madow iyo Qaladaadka ay Ummadda ka galeen si xaalkoodu uu Ummadda ugu Caddaado waana arrin waajib ku ah Qof kasta oo Soomaali ah oo dalkiisa Jecel in uu ka dhiidhiyo dibindaabyadooda.

Madaxda Dowladda Soomaaliya waa bani aadam oo ma dhahayno ma Qaldami karaan, laakiin waa in Dowladda Talo wax ku ool ah la siiyaa halkii laga Shirqooli lahaa Dalaka deriska ah, sababtoo ah 22 wax Dowladdan dhaama nama soo marin, haddaan duminnana ma hubno in aan wax dhaama iska dhaafe wax iyadoo kala heleyno.

Qoraaladaan lagu soo daabacayo Bogga Somali Arguments Online, waxan ku Falanqayn doonaa Taariikhda Madow ee Maxamed Darwiish, C/raxman Baadiyow, C/weli Gaas, Cali Maxamed Geeddi, Cumar C/rashiid, Cali Khaliif Galayr, Axmed Madoobe, C/raxmaan Faroole, Maxamed Cabdi Gaandhi, Xildhibaan Yuusuf Xaaji iyo kuwo kale. Hase yeeshee Qaybtan Koowaad waxaan ku falanqaynaynaa Taariikhda Madow ee Darwiish, C/raxmaan Baadiyow iyo C/weli Gaas.

Read the rest of this entry

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuusan ka mid aheyn kooxda lagu sheegay Qas-wadeyaasha Soomaaliya

image

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuusan ka mid aheyn kooxda lagu sheegay Qas-wadeyaasha Soomaaliya

Sunday, July 21, 2013 Moment Media Ethics- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuusan ka mid aheyn kooxda cusub oo dadka Soomaaliyeed u bixiyeen “Qas-wadeyaal” kuwaas oo maalihii ugu dambeeyay isku aruursanahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

“Anigu waan ka yaabay markaan maqlay wararka sheegaya inaan ka mid ahay kooxda cusub, waa wax iska cad inaan ku jirin, waayo anigu mucaarad maahi, waxaan si cad ummada Soomaaliyeed ugu sheegay in cod la iiga adkaaday, uguna hambalyeeyay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, hadana ma dhici karto in fowdo iyo qas wax ku raadiyo” ayuu madaxweyne Sheekh shariif u sheegay rag gurigiisa kula soo afuray, kuwaas oo diiday in magacyadooda la xuso.

Read the rest of this entry

Geedi & Baadiyow Dhagaxii la soo Tuuray Miyaa?

 Geedi_Baadiyow_

Moment Media Ethics

SomaliArguments 

Luulyo 21 2013 – Haddii dhagax lagugu soo tuuro ama lagugu dhufto ilama ah in caqligaaga ku siiyo in aad dhagaxaa la hadashaa ama aad weeydiisaa cida soo tuurtay balse waxaa caqliga kuu sheegaya in dhagaxa uu qof soo tuuray qofkaasna uu yahay ruuxa rabaay in uu ku dhaawaco ama ku dilo ,Geedi & Baadiyow xaqiiqdii waa dhagaxa la soo tuuray halka kuwa shirka abaabulay aay noqonayaan kuwii dhagaxa soo tuuray rabayne in dowlada federaalka ee Prof.Xassan Sh.Max´ud lagu kiciyo inta wax magaradka ah halkaasna lagu burburiyo iftiinka dowladnimo ee xiligaan umada Somali u bilowday.

Read the rest of this entry

Prof. Cali Geeddi “Xasan Shiikh wuxuu kursiga madaxweynaha ku gaaray musuqmaasuq iyo laaluush”

Prof. Cali Geeddi “Xasan Shiikh wuxuu kursiga madaxweynaha ku gaaray musuqmaasuq iyo laaluush”

Prof. Cali Max’ed Geeddi oo ka mid ahaa raisul wasaarayaashii xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa si kulul u weeraray madaxaweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Isagoo la hadlayey mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa Prof. Geeddi waxaa uu sheegay in hanaankii uu kursiga madaxweyneaha dalka ugu tartamay Xasan Shiikh Maxamuud uusan xalaal aheyn.

Read the rest of this entry

Xal Maloo Heli Doonaa Damaca Iyo Shirqoolada Madaxdii Hore Ee Soomaaliya?

image

Xal Maloo Heli Doonaa Damaca Iyo Shirqoolada Madaxdii Hore Ee Soomaaliya?

19July,2013 – Ninka Soomaaliga ah ee mar dhadhamiya madaxtinimada Soomaaliya oo asalkeedu uu yahay in laga taajiro laguna cuno xoolaha shacabka gaajaysan, ayaa  go’aankiisu yahay inuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii uu mar uun ugu noqon lahaa jagadii uu xoolaha kusoo dhacay. Waxaase hada ku cusub shacabka Soomaaliyeed oo waliba ka yaabisay in wadadaas ay raacayaan rag aan wali jagooyin ka qaban Soomaaliya laakiin u tartamay kuna guul daraysay in la doorto, kuuwaasoo hada u muuqda inayba ka daran yihiin kuwii jagooyinka soo qabtay. Somalidu waxay tiraahdaa “Dhargaa waalan, dhadhanshaana ka daran”

Read the rest of this entry

Cali Maxamed Geedi Oo Ka Qoomameeyay Waraysigii Uu Siiyay Idaacadda Al-Shabaab.

 image

Cali Maxamed Geedi Oo Ka Qoomameeyay Waraysigii Uu Siiyay Idaacadda Al-Shabaab.

19 July, 2013 – Cali Max’ed Geedi oo ahaa ninkii magaalada Muqdisho ku yimid diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ciidamada Itoobiya ay leeyihiin sanadkii 2007, ayaa waraysi lala yaabay siiyay idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee Al-Furqaan. Wariyaha Al-Furqaan ayaa u sheegtay Cali Geedi inuu ka shaqeeyo idaacad kale, uuna doonayo inuu waraysto. Cali oo aan ka fiirsan iskana hubin cidda uu la hadlayo ayaa bilaabay jawaabaha waraysiga, wuxuuna eedayn dusha uga tuuray dowladda Soomaaliya isagoo ku tilmaamay inay fashilantay. Cali Max’ed Geedi ayaa waraysi cusub ee uu bixiyay ku sheegay in la qalday, wariyihii waraystayn uu yahay “Khaa’in” laakin wuxu ka beensheegay waqtiga uu ogaaday qaladka uu qirtay hada. Wuxu Geedi sheegay in waraysiga bilowgiisiiba uu ogaaday in wariyuhu uu yahay Al-Shabaab laakin uu go’aansaday inuusan damin telefonka ee uu sii wado jawaabaha. Laakin waxa beeninaya arinkaas, in haddii uu ogaaday inuu u waramayo Al-Shabaab uu ku dhiirado inuu dowladda dhaleeceeyo isagoo ka hadlaya idaaco Al-Shabaab. Taasina waxay keenaysa shaki weyn, waxaana u fiicnaan laheyd Geedi inuu qirto in la qalday uuna qaladka ka ogaaday warbaahinta maalmo ka dib, taasoo ka badbaadinaysa ceebta ah inuu dowladda Soomaaliya ku dhaleeceeyay warbaahin Al-Shabaab.

Read the rest of this entry

PROF. GEEDDI: “ Wariyihii Wareysiga iga qaaday wuxuu ahaa khaa’in, wuxuuna ii sheegtay hay’ad uusan ka tirsaneyn”

PROF. GEEDDI: “ Wariyihii Wareysiga iga qaaday wuxuu ahaa khaa’in, wuxuuna ii sheegtay hay’ad uusan ka tirsaneyn”

Jimco, July 19, 2013— Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhawaan waxaa uu wareysi siiyay Radio Al-furqaan oo ah Idaacad ay maamusho Al-shabaab, wareysigaasna wuxuu ahaa mid kulul oo su’aalo adag lagu weydiiyay Prof. Geeddi.

Su’aalaha aan soo qaadan karno ee wareysigaas lagu weydiiyay waxaa ka mid ahaa in intii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Soomaaliy uu dalka Soomaaliya ku soo hoggaamiyay ciidamo Itoobiyaan ah, isla markaana uu xasuuq geystay.

Haddaba markii uu shaacay wareysigaas ayuu Ra’iisal Wasaare Geeddi bixiyay wareysi kale oo uu ku sheegayo in wariyaha wareysigaas ka qaaday uu ahaa khaa’in, isla markaana uu u sheegtay hay’ad warbahineed uusan ka tirsaneyn.

“Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kuwa noocaas oo kale ka digtoonaadaan, isla markaana ay iska hubiyaan qofka ay wareysiga siinayaan, waxaana uga tacsiyeynayaa umadda Soomaaliyeed in ay raalli ka noqdaan wixii ay iga maqleen, aniga oo ogsoon in ay isleeyihiin Cali Maxamed Geeddi maxaa ku dhacay” ayuu yiri Prof. Geeddi.

No Peace Without Justice

Source: Justice In Somalia