Monthly Archives: August 2013

Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda Iyo RW Saaciid Iyo Gen Gabre!,!

imageFaallo: Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeed-Saaciid Iyo Gen Gabre

WAR DEG DEG AH: DHEGEYSO: DOWLADA ETHIOPIA OO LA SAFATEY RW SAACID, GEN GABRE OO DEGEY HOYGA SAACID

http://waajid.wordpress.com/2013/11/25/war-deg-deg-ah-dhegeyso-dowlada-ethiopia-oo-la-safatey-rw-saacid-gen-gabre-oo-degey-hoyga-saacid/

25/11/2013 – Moment Media Ethics – Justicein Somalia  – Waxaa baryahani danbe saxaafadda kusoo baxayey in kooxo lagu sheegay in ay xilal kala duwan dalkan horey uga soo qabteen ay kulamo ku yeelanayeen Hoteelo ku yaalla Caasimadaha wadama dariska ah, kuwaasoo sida muuqata isu gaashan buureysanaya in ay burburiyaan Dawladda hadda ka hana qaadey dalkaSoomaaliya, iyagoo eedeymo aan loo meel dayin soo mariyey saxafadda gudaha.

Arintani waxay daah fureysaa sida markale ayna cadowga Soomaaliya u doonaynin in ay hana qaaddo dowlad Soomaaliyeed nooc kasta oo ay tahay, waxaase yaab leh in xilli kasta ay jiraan tabcanayaal u taagan ka hor imaadka danta dalkooda iyo dadkooda, kuwaas oo aan wax ku qaadan taariikhda iyo dhacdooyinka lasoo marey.

Waxaa markaas waajib ku noqonaysa in qof kasta oo ku taamaya in uu mar uun arko qaran Soomaaliyeed oo ka hana qaadey ciidda Soomaaliya uu ka damqado waxa ay ku howlanyihiin u darbanayaasha cadowga ee aan danta dalkooda aqoon, waxaana ay qormooyinkaan oo aan ugu magacdarrey( ka kallumeysiga Dhoobadda) ay qayb ka yihiin dhaq dhaqaaqyada looga gilgilanayo arimhani gurracan, waxana doonaynaa inaan kusoo bandhigno wajiga cadowga ah ee dahsoon ee kooxani leeyihiin anagoo mid mid usoo qaadan doono, waxanan ku bilaabeynaa Cali Maxamed Geeddii.

Read the rest of this entry

Advertisements

Maqaal ku socda Prof. Cali Maxamed Geedi

cali-maxamed-geedi3

                                      Prof.Cali Maxamed Geedi

Mudane, Prof.Cali Maxamed Geedi , igaraalli noqo haddaan kuu gafo, iina soo sheeg waxaan qalday.

Ka dib, markaan la yaabay dhaqankaaga siyaasadeed, ayaa maskaxdeydu i tustay inaan taariiqdaada dib u-baaro. Dad-badan oo aqoon kuu leh ayaan la xiriiray, waxaanna weydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin:-

  1. Qoyskii ku soo barbaariyey
  2. Tacliintaadii
  3. Meeshaad ka shaqo bilowday
  4. Sidaad siyaasadda ku soo gashay
  5. Iyo intaad xilka qaranka haysay sidaa ahayd.

Waxaa la’ii sheegay in aabbahaa Moxamed Geeddi  (Geeddi dheere) uu ahaa sargaal askari ku soo raagay oo gaadiidka tu taqasusay. Geeddi dheere waxaa lagu tilmaamay nin dabeecad iyo shaqaba fiican oo dadku jecel yahay.

Waxaa la ii sheegay inaad jaamacadda ummadda, (xannaanada xoolaha) ka baxday oo aad waliba kaaliye bare ka noqotay (midhaa kuugu filan inaad professor noqoto) markii Soomaaliya loo fiirsho.

Waxaa la ii sheegay, in burburkii qaranka ka dib aad ka shaqeyn jirtay haa’yad ngo ah. Warku wuxuu intaas raacinayaa inaad waqtigaas xiriir gooni ah ee qoddo dheer la yeelatay dawladda Itoobiya, taasoo sabab u noqotay inaad wasiirka kowaad ka noqoto dawladdii Soomaaliyeed ee Imbigaati lagu yagleelay sanadkii 2005. Dadka arrintaas ii sheegay waxbey daba-dhigayeen.

Read the rest of this entry

Soomaaliya xagee ku socotaa, Nayroobi shirqool, Kismayo muran, Puntland dacwo, Xasan Shikh Dam jadiid.

fotoibrahim.pngSoomaaliya xagee ku socotaa, Nayroobi shirqool, Kismayo muran, Puntland dacwo, Xasan Shikh Dam jadiid.

Agoosto 12 2013 – Waxaa beryahan isa soo tarayo kullama isdaba joog ah oo dalka dibadiisa loogu qabanayo shakhsiyaad ay mar soo martay fursada hogaaminta dalka Soomaaliya laakin intooda badan ku hungoobay maareynta hawlihi loo xilsaaray iyo hawlihi looga fadhiyay in ay si wacan u fulin doonaan, shakhsiyaadkan uma muuqdaan geddigood kuwa isku fikir ah ,mana ahan sida dad badan oo xog ogaal u ah hab-dhaqanka siyaasiyiinta soomalida ay tilmaameen dad isku ujeeda ahaan karo marka laga sal guuro deegaanada ay ka soo jeedaan iyo siyaasadaha is diidan ee deeganadooda.siyaasiyiintan ma ahan kuwa taageera buuran ku dhax leh bulshada ay ayaga isleeyihiin waa heli kartaan taageeradooda si aad mar kale ugu soo noqotaan masraxa siyaasada Soomaaliya.

Waxaa intaas ka daran ma ahan kuwa iyaga isdoontay ama ay isu keentay dan mideyso ama dan ay ugu daneynayaan danta guud ee ummaddan oo ay dhinac walba uga keenkeeneen siyaasiyiin faashil ah oo ka maagan maxaa ka maqan dadkan ay danahooda mas’uulka ka yihiin iyo casrigan ma yahay casrigi hoos la isugu sheegi karay wax dadka kale ka qarsan.

Read the rest of this entry

Kheyraadka Soomaaliya, Dhurwaayo aan waxba reebeen ayaa loo Saxiixay!

ibrahim1154

Kheyraadka Soomaaliya, Dhurwaayo aan waxba reebeen ayaa loo Saxiixay!

Sunday 11 August 2013 | (Moment Media Ethics Online) – Dhawaan ayey Dowladda Soomaaliya la saxiixatay Dowladda-iyo-shirkad-baari-doonta-shidaalka-oo-heshiis-kala-saxiixday Haddaba waxaan halkaan ku soo Bandhigeynaa macluumaad ku saabsan Shirkaddan iyo Ragga ka dambeeya.

Shirkaddaan ma ahayn mid horay u jirtay oo waxaa la Aasaasay 26 May 2012, kadib Shirkii Dowladda Soomaaliya uga furmay Dalka Ingiriiska waxaana aasaasay Nin Magaciisa la yiraahdoBansil Mutei Shiblaq oo ka soo jeeda Asia, haddase haysto Dhalasho British ah.  

Shirkaddaan waxaa Agaasime ka ah Lord Michael Howard, Chief Executive Officer waxaa ka ahMr. Robert Sheppard, Waxaana aasaasay Ninka aan kor kusoo sheegnay oo la dhaho Bansil Shiblaq (Executive Director and Founder).

Haddaba waxaannu rabnaa in aan halkaan uga soo jeedino Ummadda Soomaaliyeed oo Dagaal, Gaajo, Aqoon darro, Caafimaad La’aan, Qax iyo Barakac ku raaktay in Maanta la doonayo in Kheyraadkoodi oo ay uga bixi lahaayeen intaas oo dhibaata ah, gacanta loo geliyay Rag ay ka mid yiihiin kuwa ku caan baxay wax Isdabamaris, Been Abuur, Dhac iyo Boob sida Ninka lagu magacaabo Bansil Shiblaq.

Read the rest of this entry

Yuusuf Garaad: Warramaa aan war hayn!

yusuf

Yuusuf Garaad: Warramaa aan war hayn!

Tuesday 13 August 2013 – Moment Media Ethics -Nin Carab ah ayaa waxaa la dhihi jiray “Mucaydi” dadka ayaa sheegsheega had iyo jeer, magaciisa uun ayaana Afka lagu wada hayaa. Ku celcelinta badani dhibkeeda ayey leedehee, ninbaa is yiri Ninka sidan loo sheegsheegayo waxa uu yahay ka sargaar bal.

Ninkii xuuraansi iyo waraysi ayuu ku dhaqaaqay, mise qof “Mucaydi” arkay ama qof soo arkay uu uga sheekeeyey ma jiro. Markaa uuba go’aankiisii u sii xoogaystay, oo hoosta ka xarriiqay inuu ninkaa lagu wareershay madaxana looga cunay mar uun hor istaago ishiisana ku soo arko.

Ninkii safar iyo socdaal ayuu u galay inuu ninka la sheegayo soo arko, geeddi dheer ka dib, ayuu soo galay deegaankii ninka loogu sheegay, hadduu cagta soo dhigay, ayuu isagoo u caabboon ama u hamuun qaba ninka araggiisa, weydiin iyo waraysi u galay, mise dadkuu u yimid waaba la yaabeen, ninka uu weydiinayo iyo sida uu magaalka ka yahay awgeed, illeen ma ahan nin magaciyo muunad gaar ah ku lehe, iska daa in lagu soo raaco xigmad, garaad iyo gargoyne, micnahacaqli badan, kaaga darane, qurux iyo qaab qummanna ma lahayn.

Read the rest of this entry

Dowladda iyo Shirkad Baari doonta Shidaalka oo Heshiis kala saxiixday

Teaser Image Dowladda iyo Shirkad Baari doonta Shidaalka oo Heshiis kala saxiixday

Dowladda iyo Shirkad Baari doonta Shidaalka oo Heshiis kala saxiixday
Muqdisho (Moment Media Ethics) – Dowladda Soomaaliya ayaa Maantay Heshiis la gashay Shirkad fadhigeedu yahay dalka Ingriiska oo sahmisa Shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD.

Wasaaradda khayraadka ayaa Maantay shaacisay Heshiiskaan oo laga shaqeynayay Bilahaan.

Heshiiskan ayaa Soma Oil and Gas Exploration LTD u oggolaanaya in ay ururiso xog ku saabsan jiritaanka shidaal, sahmisanah Shidaalsi.

War-saxaafadeed ka soo baxayW asaaradda kheyraadka ayaa rajo ka muujiyay in H uu qeyb ka noqdo dhiirri-gelinta maalgashiga iyo soo saarista kheyraadka dalka, si loo xoojiyo dhaqaalaha Soomaaliya.

“Qorshahan waa mid la doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha dalka sidoo kalena lagu soo saaro khayraadka dalka, wuxuuna sidoo kale heshiiskan sare u qaadayaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Britain,” ayuu wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu la qabtay madaxa shirkaddaas.

Xafiiska Muqdisho

Source:SomaliArguments

Xasan Daahir ma Qabiil-buu Yeeshay?

xasan_dahir_qabiil

August 6, 2013 |Moment Media Ethics –  Waxaan aad ugu xumahay in X.Daahir uu qabiil yeesho iyada oo la og yahay in uu dharaar cad Guriceel 2005 kulankii beesha Ceeyr ka dhex yiri Ceerow waxaad aaminsan tihiin kobtaada iyo tolkaaga dhexda looga jiraa “ Aniga tolkeey waan ku diiday waana ku qaldan yihiin in aay  aamintaan maahmaahdaas “ manta maxaa keenay in X.Daahir rag qabiil ku difaacaya la helo iyada oo la og yahay in Aabe uu u yahay dhiiiga hada ka socda koonfurta Somalia.

X.Daahir haddii uu qabiil noqday waxaana marna la diidi Karin in Cali Maxud Raage uu noqonaayo qabiil sida oo kale Yuusuf Sheekh Ciise Kaba ku dukade uu noqonaayo qabiil,hadaba haddii nin-walbaa oo danbiile ah marka uu umada dhameeyo noqonaayo qabiil sow lama dhihi karo dadka Somali ee dhibka ku jiray in ka badan 23 sanno  ma rabaan,nidaam dowladnimo Somalida kalene lama jaanqaadi karaan xaqiiqdii.

Read the rest of this entry

Daawo Sawir Gacmeed laga sameeyaay heshiis kharash badan lagu helayo oo ay galeen Tarzan iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Daawo Sawir Gacmeed laga sameeyaay heshiis kharash badan lagu helayo oo ay galeen Tarzan iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare.

 1_aug_2013_copy

AUGUST 2, 2013 ⋅ Moment Media Ethics – Sawir Gacmeed uu sameeyay farshaxaniintaha Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa waxaa lagu muujiyay heshiis cajiib ah oo ay galeen gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, iyo gudoomiyaha maxkamada Sare ee Soomaaliyeed Ceydiid Ilaka Xanaf.

Waxaa lagu muujisay sawirka Ilka Xanaf oo lacago fara badan oo doolar ah siiyay Tarzan una sheegaya in cadaaladu ay la jirto ruuxii lacag heesta maalin kastana ay wax u xukumi doonaan qofkii lacag siiya.

Waxaa sidoo kale kamuuqda Sawirka gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo si aad ah ugu farxay lacagta tirade badan kuna dhiiri gelinaya Ilka Xanaf in uu sii wado dadaalada qarashka badan lagu guranayo.