Monthly Archives: January 2014

Garowe:Xafladda caleemo saarka madaxda Puntland oo qaybteedii koowaad soo dhamaatay(Sawirro)

imageGarowe:Xafladda caleemo saarka madaxda Puntland oo qaybteedii koowaad soo dhamaatay(Sawirro)

Munaasibadda caleemo saarka madaxda cusub ee dowladda Puntland ayaa saakay lagu qabtay xarunta Hay’adda PDRC ee magalada Garowe,waxayna socotay mudo saacado ah oo dhamaan dadkii kasoo qayb galay ay ku wada qanceen qaabka loosoo agaasimay.

Read the rest of this entry

Advertisements

Daawo Sawirada: Cali Maxamed Geedi iyo C/raxmaan Baadiyow oo gaaray Magaalada

Garoowe1

Daawo Sawirada: Cali Maxamed Geedi iyo C/raxmaan Baadiyow oo gaaray Magaalada Garoowe

Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Siyaasiga C/raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow, ayaa waxay maanta booqasho ku taggeen Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Xubnahaan oo maalmaha soo socda booqasho ku jooggi doona Magaalada Garoowe, ayaa waxay kaga qayb gali doonaan caleemo saarka Hogaamiyaha Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Ku Xigeenkiisa C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa Geedi iyo Baadiyow ku soo dhaweeyay Garoowe.

Sheekh Axmed Madoobe iyo wefdi ka kala socda Galmudug iyo Maamulka Ximin iyo Xeeb, ayaa sidoo kale maanta gaaray Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe.

Read the rest of this entry

Baadiyoow: qaabka loola dhaqmay Tarsan maahan dhaqan doowladnimo

CabdiraxmaanBaadiyow

Baadiyoow: qaabka loola dhaqmay Tarsan maahan dhaqan doowladnimo

Dr C/raxmaan Baadiyoow, oo kamid ah Ururka Al-islaax, sidoo kalena kamid ahaa musharixiintii 2012 isku soo taagtay Xilka Madaxweyninimo ee Soomaaliya, ayaa Doowlada Federaalka ku dhaliilay qaabkii loola dhaqmay Gudoomiyaha G.Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

“Tarsan waa laga qaadi karaa xilka loo magacaabay, laakiin ilama haboona sida looga qaaday, waa farsamo xumo iyo wax aan ahayn dhaqan doowladnimo, waxayna lamid tahay sida R/wasaare Saacid xilka looga qaaday” sidaas waxaa yiri Dr Baadiyoow.

Bulshada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, aqoonyahano iyo Siyaasiyiin, ayaa aad u canbaareeyay sida bahdilka ah ee ay DFS ula dhaqantay Gudoomiyaha G.Banaadir, oo ah shaqsiga kaliya ee waxqabadkiisa muuqdo.

Tarsan, ayaa sabab u ahaa Iftiinka yar ee ay maanta Muqdisho ku naalooneyso, laakiin isaga kaliya maahan dadka wax qabtay ee hadana lagu caasi garoobay, waxaa jira Saraakiil Ciidan oo shabaab ka saaray magaalada Muqdisho iyo Gobolo badan, abaalkoodana waxaa looga dhigay in si sharaf darro ah xilka looga qaaday looguna badalay kuwo wax matarayaal ah, oo aan ilaa iyo hada sidii loo magacaabay Hoteelada kasoo bixin hal Gobolka ka saarin shabaab.

 

 

 
 

SOMALIA: Prof Abdi Ismail Samatar “Europe and USA are the biggest obstacles of Somalia to restore Peace and Law”

imageMoment Media Ethics – Head of African Research Association in North America Prof Abdi Ismail samatar Said that USA and Europe are the biggest obstacles of Somalia to restore peace and power.

Talking to “Fil-Cumq” Al jazeera TV show last night Prof Abdi Ismail said that USA and Europe obstruct Arab Countries to Help Somalia re-establish peace and order with the plan of keeping the interest of their Somali Neighboring Kenya and Ethiopia allies.

He stated that Western countries have shown no visible support for Somalia to re-obtain the power and the respect it had in the region.

Prof Abdi Ismail Samatar is Geography Lecture at the University of Minnesota in United States of America and the author the book named ”wonders of Africa”.