Monthly Archives: February 2014

Hawiye & Ethiopia ma kala Badbaadayaan?

imageWaxaan aad ugu xumahay in amnigii Xamar uu noqday mid aanan weli leeysku haleeyn karin marba haddii Vila-Somali loogu tagay Madaxweeynahii dalka, balse waxaan aniga iyo rag faro badan u arkaan xalka sida Somaliland kaga guuleeysatay Al-shabab sida Puntland kaga guuleeysatay Al-shabab oo ah qaab qabiilku uu yahay kan badbaadinkara gobolwalba iyo degmo walbaa, waxaan dhihi lahaa Hawiye waa in uu u istaagaa sidii uu ugu badbaadi lahaa Al-Shabab sabbabta oo ah dowlada xal weli uma helin qaabka looga badbaadi lahaa Al-shabab degaanada dhibka ka taagan yahay,waxa dhimanayo waa Hawiye waxa la duleeynayo waa Hawiye marka maxaa  xal ah,ma dowlada oo aan ognahay in wasiirada qaar la shaqeeyaa Al-shabab aan wax ka sugno, Madaxweeyne Xassan waxaa quman in uu garab istaago Hawiye si dalka  xal looga helo, Hawiye waxaan dhahayaa  haddii aadan Al-shabab ka xoreeyn weeydaan gobolada aad u dhalateen in Ethiopia aay imaandoonto gobolada iyo degmooyinka aad u dhalteen ilaa iyo Muqdisho sow foolxuma maaha in xiligaan Ethiopia Xamar timaad iyada oo la leeyahay Ethiopia ayaa ka adag Al-shabab sidaa darteen, Xamar Ethiopia ha ka howlgasho, Hawiye  shalay Ethiopia asagaa ka saaray Muqdisho maantana xalka waxaa uu ku jiraa in jufa walbaa oo Hawiye ah u istaagto in aay Shabab ka saaraan dhulkooda tusaana caalamka in Hawiye awood u leeyahay in uu badbaadiyo dowlada curdunka ah si Ethiopia ayan Muqdisho marmarsiyo ugu noqon Shabab ayaan Muqdisho kula dagaalameeynaa.

Read the rest of this entry

Advertisements

Dawladnimada Iyo Soomaalida Maantay

imageTuesday 25 February 2014 Moment Media Ethics  — Dawladnimadu ma ahan in la noqdo Madaxweyne ama Wasiir, ama xumin Baarlamaan. Dawladnimadii waxaa ku dhacay Sicir barar, qofka Soomaaliga ahi ma doonayo inuu shaqeeyo asaga oo aan Madax ahayn. Hadaba Su´aashu waxay tahay kuligeen ma noqon karnaa Madax? Haddaanse noqono yaan xukumeynaa?

Waxaa kaloo Maantay Soomaalida joogta ugaga yaabay haddii aan dhanka Ciidamada eegno waxay doonayaan inay dhammaantood ay noqdaan Saraakiil, waa Su’aale yaa Dagaalka aadaya oo dablayaal noqonaya? Ciidanku waa Saraakiil, saraakiil xigeenno, xarigleey, alifleey iyo dableey.

Read the rest of this entry

Gaadmadii Villa Soomaaliya – Faalo

imageMoment Media a Ethics – Weerarka ku dhisan gaadmada ama kediska ah waa hab ka mid ah qababaka ugu halisan ee dagaalyahniintu amase ciidamada rigliga ah ay la beegsadaan bartilmaameedka cadawgoda ha ahaado mid ciidan amase mid ray’id midkoodba.

Read the rest of this entry

War Farxad leh: DHAGEYSO :-Odayaasha Hawiye oo ku dhawaaqay In Xasan shiikh uu xilka isaga dago

War Farxad leh: DHAGEYSO :-Odayaasha Hawiye oo ku dhawaaqay In Xasan shiikh uu xilka isaga dago

Moment Media Ethics – 23 FEB 2014

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay inaysan qaadan talooyinka ay u soo jeediyaan bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiye Xaad, Wuxuu ku dhawaaqay in odayaasha ay u arkaan in xalka uu ku jiro in madaxweyne Xassan Sheekh in uu is-casilo maadama uu ku guul dareestay in uu wax ka qabto ammaanka caasimada.

Wuxuu caddeeyay in aanu jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhexeysa hey’addaha iyo shacabka, sidda uu hadalka u dhigay – HOOS KA DHAGEYSO:

 

 

Xasan Sheekh: Hala Joojiyo Mashaariicda Dib u Dhiska dalka

hassan-sheekh-halajoojiyo-dib-udhiska

Moment Media Ethics| February 22, 2014 |Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ugu baaqay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed in ay joojiyaan Mashaariicda dib u dhiska ah ee ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Read the rest of this entry

WAR CULUS: R/W Abdiweli oo ka qaaday AMISOM shaki la xiriira weerarkii Madaxtooyada. Waxa uuse sameeyey talaabo ka careysiisay AMISOM. (SAWIRO)

image

R/W Abdiweli oo ka qaaday AMISOM shaki la xiriira weerarkii

February 23, 2014 – Moment Media Ethics – Tan iyo markii uu dhacay qaraxyadii iyo weerarkii kooxda Al-Shabaab ku eegteen madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayey dulduleelo ay leeyihiin ciidankii AMISOM ee ilaalinayey madaxtooyada iyo madaxda dalka Soomaaliyaba.

Dagaal qaraar oo dhexmaray kooxda xagjirka ah ee soo weerartay Madaxtooyada iyo ciidanka ilaalinayey madaxtooyada ayaa waxaa muuqatay inuu u dhexeeyey oo kaliya ciidamada Soomaalida oo aysan ka qeybgelin AMISOM. Waxaana taasi ay noqotay caalamad su’aal la saaray heerka  ay joogto kalsooni lagu qabo ciidanka AMISOM.

Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed oo xilliga uu weerarkaasi dhacayey safar dibada ah ku maqnaa ayaa soo gaabiyey socdaalkaasi. Waxaana uu degdeg ugu soo noqday magaalada Muqdisho xilli ay geeriyi ku timid xubnihii ugu muhiimsanaa xafiiskiisa Ra’iisul wasaare oo ay ku jireen Maxamuud Cabdulle “Indhacase” iyo darawalkiisii Yantaar.

Read the rest of this entry

Mudane Madaxweyne Is-Casil…!

image

Ma Dhab-baa In Madaxweyne Xasan Sh. Loo Raray Hotel Jaziira.

Moment Media Ethics – Anigoo aanan ku faraxsaneyn wixii maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada hadana, waxan oran lahaa waa loo baahnaa dhacdadaan oo kale, si ay hurdada ugu kiciso, diyaaradahana uga dajiso madaxda dowladda Soomaaliya ee ku jira tamashlaha iyo dalxiiska, halkii ay ka sugi lahaayeen amaanka iyo xasiloonida wadanka. Dhacdadaan waxay keeni doonta in xilalka laga qaado madax-badan iyo saraakiil ciidan oo ku guuldareystay ka miro dhalinta darajooyinkii loo magacaabay. Waxaa iskood isku casilo doona madaxda ku fashilantay inay difaacaan xafiiskii iyo gurigii madaxweynaha iska daa inay difaacaan shacabka iyo marasta Soomaaliyeed ee beylahda ahe. Waxaas oo dhan waxay dhici doonaan haddii damiir iyo dareen uu ku harsan yahay madaxweynaha iyo madaxda la shaqeysa. Haddii kalana, waa la inkiri doonaa fashilka maanta dhacay, waxaana ay madaxda dowladu ku faani doonaan inay fashiliyeen weerarkii Al-Shabaab kuna guuleysteen inay jabiyeen oo dileen raggii weerarka soo qaaday.

Read the rest of this entry

Working extremely hard to destroy at all cost any viable strong Somali Central Government

Working extremely hard to destroy at all cost any viable strong Somali Central Government

                                 Moment Research & Consultancy

image4.jpg

The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG)’s latest 14-pages report said, “Arms for Somalia were diverted to militias and systematic abuse by officials happened after loosening of embargo has allowed diversion of weapons to armed groups including Al-Shabaab”. The report also recommended the reinstating of the arms embargo on Somali. I wonder if that was aimed at making sure that the current Somali government not to be able to build its army and remain weak, so that they will always need the AMISOM’s stay in their country indefinitely.

Read the rest of this entry

Daawo Sawirada :Cali Geedi oo maanta kasoo dhax muuqday soo dhaweyntii loo sameeyay Madaxweynaha Somalia

imageDaawo Sawirada :Cali Geedi oo maanta kasoo dhax muuqday soo dhaweyntii loo sameeyay Madaxweynaha Somalia

Moment Media Ethics -Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi kana mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxa uu kasoo dhax muuqday soo dhaweyntii loo sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kusoo laabtay.

Cali Geedi ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu kusugnaa Magaalada Muqdisho waxa uuna kulamo hoose la qaatay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya , inkastoo aan la ogeyn waxa ay kawada hadleen.

Read the rest of this entry

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay dalka (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay dalka (SAWIRRO)
Diyaarad siday madaxweynaha ayaa saakay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoona diyaaradaasi ay kasoo qaaday dalka Turkiga oo uu madaxweynuhu ku sugnaa mudooyinkan dambe.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari, mas’uuliyiin ka tirsan labada gobole ee dowladda iyo dadweyne aad u farabadna, waxaana madaxweynuhu uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka XDS.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka waramay booqashadiisii aan rasmiga aheyn ee uu ku tegay dalka Turkiga wuxuuna xusay inuu la kulmay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata dalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday qolooyinka argagaxa gelinaya bulshadda,  isagoo tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono, wuxuuna dhinaca kale xusay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa kooxda argagixisada Shabaab.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya waxa uu u mid mid ugu qacan qaaday dadweyne aad u farabadana oo ka kala yimid degmooyinka G/Banaadirkuwaasoo iyagu halkaasi u tegay iney arkaan madaxweynaha soona dhaweeyaan.

Read the rest of this entry