Dawladnimada Iyo Soomaalida Maantay

imageTuesday 25 February 2014 Moment Media Ethics  — Dawladnimadu ma ahan in la noqdo Madaxweyne ama Wasiir, ama xumin Baarlamaan. Dawladnimadii waxaa ku dhacay Sicir barar, qofka Soomaaliga ahi ma doonayo inuu shaqeeyo asaga oo aan Madax ahayn. Hadaba Su´aashu waxay tahay kuligeen ma noqon karnaa Madax? Haddaanse noqono yaan xukumeynaa?

Waxaa kaloo Maantay Soomaalida joogta ugaga yaabay haddii aan dhanka Ciidamada eegno waxay doonayaan inay dhammaantood ay noqdaan Saraakiil, waa Su’aale yaa Dagaalka aadaya oo dablayaal noqonaya? Ciidanku waa Saraakiil, saraakiil xigeenno, xarigleey, alifleey iyo dableey.

Ayaamahaan sidaad la socotiinba waxaa Dowladda Soomaaliya lagu furey Tashwiish u muuqda in reer Galbeedka iyo Dowladii aan walaalaha aheyn ee Turkiya ay dhabarka xijiyeen ama soo kala dhexgalay is-fahamwaa aad u weyn, inkasta oo aanan ogaan karin meesha layska haraatiyey, waxayse u muuqataa in ay xumaatay wada shaqayntii horey u jirtay, dhammaan balanqaadyadii loo sameeyey dawladdana la wada joojiyey.

Hadaba markii arimaha noocaas dhacaan ahi sidee loo wajihi karaa? Maxaase la gudboon Dowladda? Maxaase shacabka Soomaaliyeed la gudboon.

Dowladda waxaa la gudboon inay qaado guluf siyaasadeed oo ay ku soo ceshanayso kalsoonidii Caalamka iyo Dowladihii ay wax ka dhexeeyeen sida Dowladda Turkiya ee aan walaalaha nahay.

Waxaa la gudboon inay is difaacdo oo ay guddi Jawaab waafi ah ka bixiya dhammaan eedaha lagu soo oogay ay diyaariso Jawaab deg deg ahna ka bixiso. Taas macnaheedu ma ahan in Afhayeen ama Wasiir uu hadlo oo kaliya, ee waa in la diyaariyo qorshe dhammeystiran oo ka tarjumaya waxa jira oo dhabta ah iyo Mawqifka Dowladda.

Waxaa Dowladda la gudboon inay la xisaabtanto oo ay Qoraalo (Reports) joogtaa ka diyaariso Hay’addaha maalin walba Qoraalada been abuurka iyo mala awaalka ku dhisan ka diyaarinaya. Waa inay ka dalbato wada shaqayn joogta ah sida inay Shaqaalahooda soo diiwaan galiyaan, inay yeeshaan xarumo iyo xafiisyo iyo cinwaano lagala soo xariiro, ayna la soo socodsiiyaan shaqooyinka ay dalka ka hayaan, waana inay soo degaan Dalka.

Haddii ay dalabyada dawladda diidaana waa inay dalka ka eryaan. Taas oo ah xaq ay dawladda Soomaaliya leedahay maadaama ay dalka ayadu ka masuul tahay.

Dawladdu waa inay magacowdaa Hay’add Madax banaan oo la dagaalanta Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada ka dhex jirta dhammaan Hay’addaha Dowladda heer walba oo ay yihiinba.

Dowladdu waa inay xooga saartaa inay dhameystirto dhismaha HayÄadihii Dowliga ahaa ee laga doonayey inay Dowladi yeelato, sida inay dhismayaashii, qalabkii, shaqaalihii, iyo sharcigii ay ku shaqayn lahayd Hay’ad walba la dhameystiro, si loo helo diiwaan iyo dabagal la raaco, meesha a dawladdu xooga saartay la dagalaanka Al-shabaab waaa inay sidoo kale xooga labaad saartaa dhismaha Hay’adihii dawliga ahaa (A constitutional government). Taasi waxay ka caawinaysaa in la helo raad raac iyo la xisaabtan hadii loo baahdo.

Dawladdu waxay aad ugaga liidataa dhanka Garsoorka iyo Maxkamadaha taasi waa meesha ugu daran ee laga eego jiritaanka Dowladd iyo cadaaladda ay samayn karto inta ay le’egtahay, waayo tiirarka ay dawladi ku taagan tahay waxa ugu wayni waa sharciga, hay’addii sharciga fulin lahayd hadday liidato taasi waxay ku tusaysaa in wax walba ay qaldan yihiin oo ay liitaan, waayo sharcigu waa kala hagaha shuruucda dawliga ah iyo midda madaniga ahba.

Dawladdu waa inay sameyso Hay’ad ka shaqaysa isku xirka jaaliyadda dibadda iyo dawladda. Waa inay ku dhawaaqdo inay shacabka Soomaaliyeed ee qurba joogta ah ay caawimaad ugaga baahan tahay, ayna diyaariso meeshii, masuuliyiintii iyo qaabkii loo caawimi lahaa dawladda.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay taageeraan dawladdooda ay ayagu doorteen oo ay dhisteen, waana inay daqli u aruuriyaan si ay ugaga kaaftoonto baryada aan waxba lagu helayn ee ay u hoos joogto kuwa isku sheega dawladaha deeq bixiyayaasha ah ee maalinw alba inta sanadka hortiisa balanq aad sameeyaan dhammaadkiisana canbaareyn iyo dacaayad naga diyaariya si caalamku aysan marnaba noo aaminin.

MASUULIYADDA IYO SHAQADA MAAMULKA GOBOLKA & DAWLAD HOOSAADYADA

Dowladdaha Gobolku sida Gobolka Banaadir oo kale oo xarun u ah dawladda Soomaaliya, waaxaa saaran Mas´uuliyadda koowaad ee amni, sharci, iyo ilaalinta dawladda intaba, waayo waxaa loo yahay marti, martidoodana waa inay aad u ilaaliyaan.

Qaabka ay hadda u shaqeeyaan guddoomiyayaasha degmooyinka magaalada Muqdisho, waa qaab aan sahleyn in magaladu ay xasisho, waayo mar walba waxaan aragnaa inay idaacadaha taagan yihiin wasiiro iyo taliyayaal sarsare ee ciidan, sida taliyaha nabadsugidda, kan Booliiska, kan milateriga, iyo masuuliyiin sar sare oo aan haboonayn inay shaqadaas hoose ay qabtaan waayo waxaa lumaya midii ka weynayd ee ay umadda Soomaaliyeed dhammaantood u hayeen iyo jaranjarii haykalka dawladeed.

Shaqada taliyayaashaas sare waa maamulka guud, dejinta qadiyadda amni ee dalka guud ahaan iyo gaara ahaanba, dejinta istaraajiyad guud, kormeerida hawlaha shaqo ee la cayimay, la xisaabtanka qaybaha kala duwan ee amni dhan walba. Haddiise ay meeshu iska daba yaac noqoto waxaa ka faaidaysanaya nin kasta oo hawla gaar ah leh.

Shaqada inteeda badan waxaa la doonayaa inay qabtaan gobolka Banaadir, sida taliyayaasha qaybaha, kuwa degmooyinka, iyo kuwa laamaha degmooyinka. Degmo walba waxay leedahay xarun maamul oo degmo, saldhig booliis, iyo laamo maamul hoosaad.

Tusaale degmadiiba waxay u qaybsantaa afar laamood, laan walbana waxay ka sii kooban tahay afar waaxood, waax walbana waxay ka sii kooban tahay afar tabeele , tabeelihii walbana wuxu ka sii koobnaan karaa afar daris oo min 40 guri ah, waa tusaale.

Halkaas waxaa laga hawlgalin karaa dadka degaanka oo la shaqaynaya maaulka degmada, taliska saldhiga booliiska, iyo nabadsugidda degmada, kuwaasina waxay la sii shaqaynayaan maamulka guud ee gobolka, taliska guud ee gobolka, taliska gobolkuna wuxuu la sii shaqaynayaa kan guud ee Qaranka.  Sababtoo ah dawladda ayaaba ka kooban sadex dawladood oo is kaaba mid walbaana ay leedhay shaqo gaara io masuuliyadeedu cayiman tahay(qaasa).

Waana dawladda Soomaaliya (National goverment).

Dawlad goboleedka (Regional goverment), sida gobolka banaadir

Iyo dawladda Hoose (Local govenrment) sida degmada Hawl-wadaag oo kale.

Mid walba waxay leedahay shaqo iyo hawl weyn oo ay bulshada iyo qaranka u hayaan, waxaana aad u shaqeya oo hawsha inta badan qabta dawlada goboleedyada iyo dawladaha hoose ee shacab la noolka ah oo xogta hoose haya iyo shaqada rasmiga ah.

Hay’ad walba oo dawladeedna sidaas ayey u shaqaysaa oo waaxyo saas u kala sareeya ayey leeyihiin sida kuwa maxkamadaha, iyo ciidamada Amniga oo kale. Waxaan is leeyahay haddii saas loo shaqeeyo lana diyaariyo dad shaqadaas karti iyo hufnaan u leh in laga guuleysan karo cid walba oo degenaanshaha iyo kala danbeynta lidi ku ah.

Ugu danbeyn waxaan ku talin lahaa in dawladda masuuliyeenteedu ay shaqada qaybsadaan oo la joojiyo in qofkasta o masuul ahi uu idaacadaha la hadlo, meel walba oo la iskugu yimaado masuul walba uu ka hadlo, qofkasta oo madax ahi marka uu baxayo ama uu soo degayo garoonka diyaaradaha la soow ada dhoobto, saf dheer loo galo, qarash badan la qasaariyo ay shacabka Soomaaliyeed u baahnaayeen.

Dawladdu waa hal maamul oo shaqooyin kala duwan shacabka u haya, waa inay yeelataa hal Afhayeen oo wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ah.

Haddii gobolka Banaadir wax ka dhacaan waa in qof gobolka u hadla oo wax qoran oo nadaamsan ku hadla uus axaafadda la hadlaa, ma ahan inuu wasiirka amnigu hadlo, taliyaha ciidanka nabadsugiddu hadlo, taliyaha boolisku hadlo, wasiirkii warfaafintu hadlo, afhayeenkii dawladdu hadlo,, qof walba hadlo meesha la wada yimaado, la iska daba yaaco, nidaamka iyo shaqadu waa isku dhex yaacaysaa aminuguna waa halis oo madaxda laftigooda ayaa halis la galin karaa waa qatar lagu daray qatar kale waana arin laga dhaxlay dawladihii kacaanka ee ku dhisnaa kicinta shacabka iyo guulwadeynta.

Tusaale markii suuqa la soo galiyey in madaxweyne Mudane Xassan geeriyooday, waxaa hal mar wada hadlay Wasiirkii Warfaafinta, kii amniga, afhayeenkii dawladda kii madaxweynaha, meeshiiba waxay noqotay jaantaa rogan, la yaab ayey nagu noqotay iyo inaan dawladduba iska warqabin.

Waxaan kaloon oran lahaa si ay wasaaradda warfaafintu dhaqaale u hesho waa in dhammaan wararka dawladda la siiyaa taleefishinka qaranka iyo raadiyaha qaranka si ay kuwa gaarka loo leeyahay ugaga soo iibsadaan warka halkaasna ay wasaaraddu dhaqaale ka soo saarto.

Waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu dhammaanteen kheyrka na wada waafajiyo dawladdeenana noo toosiyo si aan duliga ugaga baxno AAMIIN.


Advertisements

Posted on February 25, 2014, in Moment Media Ethics. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: