Monthly Archives: March 2014

C/weli Gaas oo danjireyaasha reer yurub ka dalabaday in Puntland la siiyo waxa ay xaq ugu leedahay dowladda Somaliya

imageC/weli Gaas oo danjireyaasha reer yurub ka dalabaday in Puntland la siiyo waxa ay xaq ugu leedahay dowladda Somaliya

Madaxweynaha Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas oo galabnimadii shalay kulan gaar ah kula qaatay markab dagaal dushiis danjirayaal ka tirsan Dowladaha Reer Yurub iyo danjiraha EU-da u fadhiaya magaalada Nairobi ayaa u sheegay safiiradii uu la kulmay in Puntland ay xaq u leedahay inay qaybteeda ka hesho taageerada la siiyo Dowladda Federaalka ah maadama uu dalku ku dhisan yahay nidaam federaal ah.

Sida kulankaasi ka dib warbaahinta loo sheegay Waxaa si qoto dheer loo falan qeeyey caqabadaha taagan ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, iyo sidii dhinaca arimaha Bulshada la isaga kaashan lahaa in wax laga qabto,iyadoo sidoo kale la isku gartay in siyaasad midaysan laga yeesho soo afjaridda iyo la dagaalanka burcad-badeeda, Al-shabaab, kalluumaysiga aan sharciga ahayn iyo wixii la mid ah.

Maxaad ka taqaan Cadowyada Muuqda iyo midka qarsoon ee ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya?

Safiirada dalalka Reer Yurub ayaa kulanka ka sheegay inay Puntland la garab is taagayaan taageero caamali ah, isla markaana ay heli doonto saamiga ay ku leedahay taakuulaynta ay dowladaha reer Yurub siiyaan Soomaaliya, waxayna sidoo kale u balanqaadeen in ay dalka jabuuti ku soo tababari doonaan ciidamada booliska Badda, si loo xaqiijiyo amniga xeebta dheer ee Puntland sidaana waxaa sheegay saraakiil ka tirsan mamaulkapuntland kulanka kadib.

imageHalkaan Ka Akhri Taariikhda Madow ee Dr. Cabdiweli Gaas

Advertisements