Xildhibaano M/weyne Xasan Shiikh ka digay in Kenya loo Saxiixo Badda Soomaaliyeed

Xildhibaano M/weyne Xasan Shiikh ka digay in Kenya loo Saxiixo Badda Soomaaliyeed

Xildhibaano M/weyne Xasan Shiikh ka digay in Kenya loo Saxiixo Badda Soomaaliyeed

Sunday 13 July 2014 12:12 –Muqdisho (Moment Media Ethics) – M/weynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa u gudbiyay Q/ Midoobay Qoraal Warqad u Qoray June 30 2014 qoraalku waxuu la xariiray Badda Soomaaliya in dib u eegis lagu sameeeyo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law 37 ee xadaynaya badda Soomaaliya guud ahaanteed kaas oo la meelmariyay sanadkii 1972.

Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa oo daaday xadeynta Badda iyo Heshiis in Badda Soomaaliya lagala galo Dowladda Kenya ayaa sheegay in talaabadan loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu go’aan ka qaato.

Waxaa Xildhibaanada ay sidoo kale sheegeen in Xadeyn iyo murun uusan Cidna kala dhaxeyn Badda Soomaaliya Iyagoona tilmaamay in aan loo baahneyn in Kenya loo xadeeyo Badda Soomaaliya sida ay hadalka u yireen.

Xildhibaan, Saleymaan Maxamed Ibraahin, oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ahaa ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay waxuuna sheegay in Madxada Dowladda Soomaaliya aysan kala qey qeybin karin Dalka Soomaaliya, Badda Soomaaliyana ay wada leeyihiin Shacabka Soomaalyeed.

“Dalka Soomaaliya waxaa leh Shacabka Soomaaliyeed, Badda Soomaaliya looma xadeyn karo Kenya, waa wax laga xumaado maadaama Badda Soomaaliya ay tahay Hantida Shacabka Soomaaliyeed” sidaasi ayuu yiri Xildhibaanka

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko”, oo isna ka mid ahaa Mudaneyaasha Baarlamaanka KMG ahaa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in arintan ay tahay mid lagu dulminayo islamarkaana lagu baneesanayo looguna talagalay Kheyraadka Badeed ee Soomaaliya iyo dhaqaalaha in lagu xaalufiyo.

Waxuu kale oo sheegay Xildhibaan Cali Seeko in amuurtan ay u taalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isagoona tilmaamay in dhabar jab ay ku noqoneyso iyo Qiyaano Qaran hadii aysan ka hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Warqado Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu yiri dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u taahy in ay wadahadal kala furto arrimaha badda cid kasta oo muran galisa zonka ama xadka badda Soomaaliya si dib u eegis loogu sameeyo zone ama xad badeedka Soomaaliya ay leedahay.

The federal government of Somalia has appointed former Somali prime minister Omar Abdirashid as the new ambassador to united states.

The federal government of Somalia has appointed former Somali prime minister Omar Abdirashid as the new ambassador to united states.

150 Maalmood oo Cumar C/rashiid laga hoos qaadi waayey warqad uu u Qoray Qarammada Midoobay

Advertisements

Posted on July 13, 2014, in Moment Media Ethics. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: