Monthly Archives: July 2014

Yaa sharciyan magacaabi kara taliyeyaasha Ciidanka?

Ra'isulwasaare Yuulka oo la wareegay awoodii Madaxweyne Garguurte- Yaa sharciyan magacaabi kara taliyeyaasha Ciidanka?

Ra’isulwasaare Yuulka oo la wareegay awoodii Madaxweyne Garguurte- Yaa sharciyan magacaabi kara taliyeyaasha Ciidanka?

Moment Media Ethics – Ra’isulwasaare Cabdiweli Axmed ayaa si rasmiya u faramarooqsaday awoodii Madaxweynaha Somalia kadib markii uu magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska iyo Nabadsugida.

Magacaabida Taliyayaasha Ciidamada iyo Xil ka qaadidooda ayaa sharciyan ah qeyb kamida awoodaha Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia, iyada oo dhamaan dawladihii ay hogaaminayeen Madaxweyne Cabdiqaasin, Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Madaxweyne Shariif ay dhamaan magacaabdida Taliyayaasha Ciidamada, Magacaabida RaisulWasaaraha, Magacaabida Safiirada iyo Magacaabida Gudoomiyayaasha maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay lahaayeen Madaxweynayaashii dalka soo maray.

Read the rest of this entry

Advertisements

Xassanow: Xog mooge Xaajo waa dilaa

Xassanow: Xog mooge Xaajo waa dilaa

Xassanow: Xog mooge Xaajo waa dilaa

Moment Yuulka: R/wasaaraha C/weli waxuu ku fashilamay fulinta iyo soo celinta nabada dalka,waxuu safar ku tagay magaalada Kismaayo waxuuna dhiirogeliyay maamulka Jubb iyada oo la ogyahay in Axmed Madoobe diiday dhaqangelinta heshiiskii Ethiopia, C/weli waxaa uu taageeray maamulkii diidanaa fulinta heshiiskii dowlada federaalka iyo maamulka ku gaaray Ethiopia kaas oo sheegayay in xaqa maamulka yeelanayo iyo waxa lagu yeelanaayo, waxaa uu meesha ka saaray C/weli in maamulka uusan xalaal aheeyn marba haddii aanan la qaban dib u heshiisiin qabiilada degaa goboladaasi.

Read the rest of this entry

Daawo Faysal Cali Waraabe Iyo Axmed Samatar

Daawo Faysal Cali Waraabe Iyo Axmed Samatar Oo Caayda Hawiye Guul Mooday

Moment Media Ethics – Faysal Cali Waraabe oo taageera ka waayay beeshiisa Garxajis ayaa markii beesha Habarjeclo xafiiskiisa Hargeysa ka xirtay wuxuu caradii uu ka qaaday falkaas kula dul dhacay beelweynta Hawiye.

Faysal oo bulshada uga warami jiray waalidiisii la xiriirtay gooni isu taaga Somaliland wuxuu bilahii la soo dhaafay u wareegsaday inuu khudbad u jeediyo shaqsiyaad u dhashay beesha Dirta Koofureed kuwaas oo guluf ugu jira sidii ay gabaad u siin lahaayeen hogaamiyaha argagixisada Al-Shabaab ee laga soo diray Hargeysa.

Faysal Cali Waraabe oo loo yaqaan inuu yahay nin siyaasada ku waashay iyo Axmed Ismaaciil Samatar oo damaciisii Muqdisho ku hungoobay waxay labaduba beelweynta Hawiye ka caayeen ama ka habaareen shir ay iskugu tegeen Dalka Mareykanka.

Faysal Cali Waraabe wuxuu khudbadiisa yaqyaqsiga badan uga hadlay inay beel ahaan qabsadeen Taleex iyo Xudun hadana dhinaca kale wuxuu sheegayaa in Beesha Dir koofureed dhul ay leeyihiin Hawiye qabsaday.

FAYSAL CALI WARAABE MALA WEYDIIYAY DHULKA DHULBAHANTE MA ISAAQBAA ISKA LEH? LAASCAANO -XUDUN IYO TALEEX MA GARXAJIS IYO ISAAQBAA DEGA? DHULBAHANTE MIYAA ISAAQA?

Siyaasiga sal fudeedka astaanta looga dhigay ee taageerada tolkiisa waayay waxaad moodaa inaysan is maqlin afkiisa iyo dhegahiisa waxaana taas ka marqaati inuu bulsho isu timid ku leeyahay waxaan xoog kula wareegnay Taleex iyo Xudun,waanu goosanay hadana uu ka hadlaa dhul ku yaal Koofurta Somalia.