Monthly Archives: August 2014

Bulsho wada Munaafaqowday!

Bulsho wada Munaafaqowday!

Bulsho wada Munaafaqowday!

Tuesday 19 August 2014 | Xisbiga Xuriyadda | Xurriyad la’aanta iyo Qofku in uusan cabbiri karin aragtidiisa sax iyo qaladba, waxay horseeddaa faafidda munaafaqnimda iyo bulsho aan soo bandhigi karin xumaanteeda iyo samaanteeda.

Read the rest of this entry

Dowlada Federaalka SOOMAALIYA oo soo yareysay gobolada ay ka taliyaan Puntland iyo Somaliland

Dowlada Federaalka SOOMAALIYA oo soo yareysay gobolada ay ka taliyaan Puntland iyo Somaliland

Dowlada Federaalka SOOMAALIYA oo soo yareysay gobolada ay ka taliyaan Puntland iyo Somaliland

August 19, 2014– 19 Aug 2014: SomaliArguments – Soomaaliya oo ah saldhiga looga taliyo dowladda federaal-ka Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay laga dareemayaa guux siyaasadeed oo dhoola cadeyn ku dheehan tahay, madaama ay dowladdu ku guuleysatay in Cali Khaliif Galeyr uu noqdo Madaxweyna Maamulka Khaatumo State, iyadoo maamulkani dhabar-jab ku noqonayo maamulada PUNTLAND IYO SOMALILAND.

Hada waxaa laga diyaarinayaa Villa Soomaaliya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqo aqoonsiga Khaatumo in uu yahay maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan maamulada dalka ka jira.

Tani ayaa macno ahaan noqoneysa in dhulka Khaatumo ka taliso uu noqon doono labo gobolka kuwaasi oo kala ah Sool iyo Sanaag oo dadka dagaa xoogoodu ay ka soo horjeedaa maamulada Somaliland iyo Puntland oo dhulkaasi sheegashadiisa isku heysta inta badani.

Hadii Khaatumo qaadatay Sool iyo Sanaag, Somaliland waxa ay ku soo koobmeysaa sadax gobol, halka Puntland ay isugu imaan doonto ka talinta Nugaal iyo Bari OO KELIYA.

Taasi oo ay dheertahay in dhulkii ay PUNTLAND sheeganeysay ee ahaa Gobolka Mudug hadda lagu biirayay maamulka gobolada dhexe.

Si kastaba, aqoonsi buuxa oo Khaatumo ay ka hesho dowladda iyo beesha caalamka ayaa ka dhigan in Puntland iyo Somaliland ay waayaan dhul muhiim u ah oo ay ku badsan jireen marka ay timaado dhul weyni.

HUB ka dhigista ‘HADAL iyo HOO’ ha laga hormarsho!

 

HUB ka dhigista ‘HADAL iyo HOO’ ha laga hormarsho!

HUB ka dhigista ‘HADAL iyo HOO’ ha laga hormarsho!

“Al”Curuba Night Club ayaan DJ ka ahay!”

Monday 18 August 2014 – SomaliArguments — Xilliyadii Siyaad Barre xukunkiisu jiray, weliba markii uu ugu awoodda badnaa, ayaa la soo qabqabtay dhawr lagu tuhmayay xagjirnimo. 10 ka mid ah baa tiirka la geeyay oo la toogatay, maalintii ku xigtay ayaa la yiri; “Qaar baa harsan weli oo dhuumaalaysanayee ha la soo qabto”.

Read the rest of this entry

Bannaanbaxyadii 2007-dii iyo kan 2014-ku Maxey ku kala duwan yihiin?

image

Bannaanbaxyadii 2007-dii iyo kan 2014-ku Maxey ku kala duwan yihiin?

SomaliArguments — Nin muddo badan ka soo muuqanayay Sawirrada laga soo qaado bannaan baxyada beeleysan, ee caadada u noqday dadka soomaaliyeed, ayaa la weydiiyay; “Ninyahow, ilaa intaan ku arkeynnay bannaan bax aan waxba soo kordhinayn uun baad ku jirtaaye, maxaa kuugu wacan? Miyaadanse ka daalin waxaan ujeeddo suubban oo ka danbeysa laheyn?”

Read the rest of this entry

Madaxweyne Cabdi Wali Gaas oo noqday Isku Qabe aan Loo Qabin !!!

 Madaxweyne Cabdi Wali Gaas oo noqday Isku Qabe aan Loo Qabin !!!


Madaxweyne Cabdi Wali Gaas oo noqday Isku Qabe aan Loo Qabin !!!

SomaliArguments – Haddii dowlada federaalka aayan sharci adag marin Gaas iyo xubnaha xildhibaanada qabiilka noqday ee ka tagay xildhibaanada qaranka ee dowlada federaalka xaqiiqdii waxaa furmaya dariiq cusub iyo fowdo aanan hore loo arag,balse waxaa aay noqoneeysaa in fowdadaa noqoto mid aay ku kacaan kuwa hada .

Read the rest of this entry

Soomaalinimada iyo dhibka kasoo gaaray Beesha Hawiye! – Qeybta Koowaad

Soomaalinimada iyo dhibka kasoo gaaray Beesha Hawiye! - Qeybta Koowaad

Soomaalinimada iyo dhibka kasoo gaaray Beesha Hawiye! – Qeybta Koowaad

Sunday 10 August 2014 – SomaliArguments — Dagaaladii Sokeeye ee Dalka ka dhacay oo Dad iyo dalba hog dheer ku riday, Qaar Dowladii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad ayaa sababteeda iyo eedeeda lahayd ama loo tiriyaa, sida Duqeeyntii Waqooyi Galbeed, Qaarna Jabhahadii Dowladda Meleteriga la dagaallamay ayaa eedeeda iyo dhibkeeda iska lahaa, Sida SSDF, SNM iyo USC.

Hubaashii cidina cid waxba uma reeban, ninba ninkoow ka xoog badnaa ayuu Madaxa lugta ka saaray hadeey noqdaan reer Waqooyi, reer Barri iyo reer Koofureed Dagaal Sokeeye oo guud ayaa harqiyey shacabka Soomaaliyeed, waxaana gaarey dhib badan maatada u badneyd, haweenka iyo carruurta oo aan iyagu waxba galabsan.

Dagaalkii lala galay ciidankii dowladii Siyaad Barre iyo Dagaal Sokeeyo oo gudaha ahba intuba waa dhaceen, balse, waxaad mooda ayadoo qoloba qolada kale arki karin haddana in dhammaan qoloyinkaas aay qabaan ciil iyo naceybka iyo cunfi ay u qabaan hal qolo oo la yiraahdo Hawiye Gobonimo waa u dhalashe Hawiye inta qolooyinkaas la marshay ee aay

Read the rest of this entry

Madaxweyne Xasan ma waxa uu Garab siinayaa Mr Simon Njuguna si Badda Soomaaliya Qayb loogu Gooyo Kenya, horraanta 2015

imageMadaxweyne Xasan ma waxa uu Garab siinayaa Mr Simon Njuguna si Badda Soomaaliya Qayb loogu Gooyo Kenya, horraanta 2015

Faalladii SomalArguments| August 9, 2015
“Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.” Sidaas waxaa June 6, 2013 shaaca ka qaaday golaha wasiirada ee DFS.

Read the rest of this entry

Madaxweyne Geelle oo Minnesota kula kulmay jaaliyadaha Jabuuti iyo Somalia

Madaxweyne Geelle oo Minnesota kula kulmay jaaliyadaha Jabuuti iyo Somalia

Madaxweyne Geelle oo Minnesota kula kulmay jaaliyadaha Jabuuti iyo Somalia

SomaliArguments : Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Jabuuti ee ku dhaqan Magalada Minnepolis ee dalka Mareykanka ayaa madaxwaynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo kusoo dhaweeyey halkaas.

Read the rest of this entry

Haddaan naloo sedburin Soomaali ma nihin!

imageSomalia Arguments | 6 August 2014 — Hadda ka hor nin baa dukaan lahaa, oo wuxuu ku gadijiray badeecada jaadadkeeda kala duwan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dukaankii u soo gashay naag uur leh oo ilma yarna xambaarsan. Islaantii markay gudaha u soo gashay dukaankii ayey inta sinaha qabsatay, dukaanlihii ka dalbatay inuu u soo dejiyo alaab iskafaallaha saarnayd.

Waa ganacsadoo gambo iyo baysteen aruuriskeeda ayuu u soo guntaye, wuxuu u soo dejiyay alaabtii ay dalbatay, una soo saaray miiskii dheeraa ee hortooda yaallay, una dhexeeyey labadooda. Islaantii alaabtii ayey inta eegtay ay mar kale ka dalbatay inuu alaab kale u soo dejiyo, isna mar kale ayuu sidii u yeelay, oo u soo dejiyey alaabtii ay dalbatay.

Read the rest of this entry

Muqdisho oo federaalka laga saaray-qorshahii Puntland oo hirgelay -gurbaankii la xadase?

image

Muqdisho oo federaalka laga saaray-qorshahii Puntland oo hirgelay -gurbaankii la xadase?

Somalia against Corruption Movement – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qorsheenaya dhismaha maamul federaaal ah oo ka kooban Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Dhismaha maamulkan, oo lagu daray in Shabeelaha Hoose la raaciyey Bay iyo Bakool, waxa uu ka dhiggan yahay in gobolka Banaadir uu meel cidlo ah kusoo dhacayo, oo aanu ka mid noqon karin maamul federal ah, maadaama dastuurka lagu dhiggay in laba gobol iyo wixii ka badan ay noqon karaan federaal.

Sida hadda wax u socdaan waxaa muuqata in hir-galayaan siyaasadihii ay dejiyeen reer Puntland ee ujeedadoodu ahayd in Muqdisho aysan ka mid noqon maamulka federaalka. Puntland wax dhaliilo ah kuma lahan arrintan, waxa ay ka shaqeeyeen siyaasad ayaga dantooda ay ka arkeen, sidaa darteedna marnaba qof uguma carroon kartid inuu dantiisa ceersado, balse waxay hilmaameen inay Somalia lugaha ka xireen. Waxaa qorshahaas ku raacay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana muuqata inuu raali ka yahay madaxweynaha iminka talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa nasiib darro ah in laabada madaxweyne ee qorshahan aqbalaya ay kasoo jeedaan beesha Muddullood oo ah beesha ugu badan ee degta gobolka Banaadir, inta bandanna maamulkeeda ayaga lagu ixtiraamo.

Read More: Muqdisho oo federaalka laga saaray-qorshahii Puntland oo hirgelay -gurbaankii la xadase?