Xertii Federaalka oo Xanaftiisu gaadhay!!!(Puntiland oo Godkeeda biyo ugu soo galeen)

 Xertii Federaalka oo Xanaftiisu gaadhay!!!(Puntiland oo Godkeeda biyo ugu soo galeen)


Xertii Federaalka oo Xanaftiisu gaadhay!!!(Puntiland oo Godkeeda biyo ugu soo galeen)

SomaliArguments – Waxaa la yidhi hadda ka hor, ayaa gobolka Togdheer xilligii uu joogay Gumeysiga waxaa laysku qabsaday Hal lammaan, oo markaas nin ka soo jeeda deegaammada Hawdka ama Doollo uu ku doodayey inuu leeyahay, Arrintii markii cilinkeedii la saari waayey, ayaa loo gudbiyey Saancaddaalihii Ingiriiska Maxkamaddiisii, waxaana la yidhi nimankani waxay isku haystaan Hashan lammaan, nin welibana waa ka biyo diiday Xeer Soomaaligii ee u garqaada.

Sidii lagu yaqaannay, Xeerkii Saancaddaalaha waxaa laysugu keenay dhismihii maxkamadda Xarunta Burco, waxaana la dhegaystay, labadooda dacwadood. Ninka Reer Burco ayaa wuxuu haystay laba Markhaati oo ehelkiisa ah, halka ninka kale aysan jirin xitaa cid garanaysa, waxaase u muuqda Hashiisii Hebla oo Sumaddeedii iyo Sawraceedii wadata, Sumaddiina la madhac dhaamay oo sumado kale laga kormarshey.

Qaaddigii ayaa dhegaystay dacwadihii, wuxuuna ku yidhi ninkii hasha ku doodayey haddaadan marag haysan waxba ma lihid! Ninkii arrintii waa ka biyo diiday, wuxuuna dalbadey in arrinta loo dhabbogalo.

Ninkii Ingiriiska ahaa ayaa ballamiyey maalintii dambe, balse, intuusan go’aanka ridin ayuu laba nin oo Soomaali ah albaabka joojiyey, si qolo weliba markay baxayso uu hadalkooda u dhegaysto. Qoladii Hasha ku doodeysay ee Markhaatiyada wadatey ayaa tidhi markay, albaabka ka baxeen; “Cadkeeda leey, Wallee dabadaan dhulka ugu dhufanney!” ninkii keligii ahaa ayaa yidhi isaguna markuu albaabka ka baxayey intuu cirka eegay; “Alla Ilaahayoow maad maantoo kale hadashid?!” .

Nimankii shaqaalaha ahaa waxay soo gudbiyeen waxay ka maqleen labada qolo, ninkii qaaddiga ahaana waxaa u soo baxday inay qolada xaqdarro ku doodeysa yihiin nimankii yidhi, “Alleylehe dabadaan dhulka ugu dhufanay” rag dulmi isku bahaystey inay yihiin.

Maalinnimadii dambe ayuu hashii u xukmiyey, ninkii reer Doollo, halkaana ku kaxaystay hashiisii oo lammaan.

Dulucda iyo sheekada aan uga socdaa arrinkan, ayaa ah xaaladda cusub ee Soomaaliya 10ka sano la baaxaadegayso ee Federaalka (Beelaysiga) ayaa waxaa keenay, Gobollada bari oo aan odhan karno waa kuwa iyagu lahaa ama curiyey aragtidan ah, in dalka loo qaybiyo Deegaabmo beelo xukumaan, oo beel weliba gooni dowlad u noqoto, gaar ahaan reer bariaga ayaa markaas ciyaarayey arrin ah, “Ciyaarta lug baan kula jiraa haddey xumaatana waa kala baxay” Maadaama ay maamul nidaam beeleed ah ku dhisteen 1998, kaasoo ahaa aragti hufan oo wanaagsan laguna kala badbaadiyey umaddii deegaankaas ku dhaqnayd, balse, waxaa loo xidhay markii dambe Gaashaan ka duwan kii hore oo noqdey, “Mashruuc gorgortan iyo Sedbursi lagu raadinayo” ama “Kaagana kula lihi kaygana annaa iska leh” iyo in dowladda dhexe, Jago iyo jeenan ay qaybtooda ka qaataan iyo dhaqaalaha ka soo baxa Gobollada kale ee dowladda hoos taga, iyaguna kooda ay gooni u qaatan, “Laba eef”
Haddii xaalku sidaa ahaa waxaa jirtey, in maanta xertii ololaha iyo xamaasadda ku waddey Federaalka ay xanaftiisii gaadhay, “Belaayo intey kaa maqantahay qayrkaa bay ku maqantahaye”, waxaa lagu sandulleeyey, Gobollada Dalka Jubbooyinka iyo Koonfur Galbeed, deegaammo aan isku xidhmin iyo dad aan afti iyo oraah la weydiin ayaa lagu toloy, qaado nidaamka qabyaaladeysan haddii kale QASWADE ayaad tahay.

Intaasba bulshada reer Puntland waxay ku dacwiyayeen ninkii diida Federaalka (Beelaysigu) inuu yahay QASWADE, qarannimada meel uga dhacay, oo aanu doonayn in dalku dego. Waxaa kaalintii galay United Nationka oo markii hore u xukmiyey guud ahaan, dadkii kale inay Beelaha Barigu ka saxan yihiin, halka kuwii kale aan waxba laga weydiin, Puntland ayaa wadatey laba Markhaati waa Kenya iyo Itoobiya (IGAD) haddaba United Nationku waxay labada albaab dhigeen dad dhegaysta arrimaha bulshada Soomaaliyeed iyo dareenkooda.

Qaaddi Nikoles Key, ayaa dacwaddii shalay xukmiyey in Gobolka Mudug lagu daro Maamul Goboleed cusub oo loo sameeyo Gobollada Dhexe, hase yeeshee Gobolka Mudug oo u qaybsanaa qaab beeleed, Maamulka Bari: inyaroo ka mida Gaalkacayo, Jarriiban iyo Goldob, ayu beel ahaan ku gioostay, ee aan nidaam dawladeed iyo maamul midna ahayn, oo aysan ka talin Koonfurta Gaalkacayo, Hobyo iyo Xarardheere, sidaa awgeed waxaa la go’aanshay inaysan beelnimo u qaybsami karin Mudug ee laysku darro, arrintu waa laba is neceb (Jiir iyo Bisad) wax isugu dar, Puntland iyo Maamulkii bari waxaa ku yimid, waddadii Sarfeeygii lagu jeexayey Beelaysiga.

Waxaa aad loola yaabay go’aan ay soo saareen, Madaxda Maamulka Beelaha Bari ee ka tirsan “Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed” oo ku dhawaaqey inaysan wax wada shaqayn ah Beelaha Bariga kala dhaxayn doonin Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed.

Sababtu maxay tahay?

Maahmaah ayaa tidhaahda “God ha qodin haddaad qoddan ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide” Halka ay murti kale ka tidhaahdo, “Ninkii Barbaarsha Bahal nool ka baxsay ama Boqna gooy” Federaalku wuxuu ka soo faafay Dooxada Nugaal iyo Xeebta Badda Cas ee Raascaseyr, Sida Ayaxa wuxuu hadba guur guuraba wuxuu ku fidey, Gobollada Koonfureed oo uu naq ka helay, Baay, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka, wuxuu haddana u naq raacay oo geeddiga u rarey Ayaxii Gobollada dhexe ee Mudug, Galguduud, waxaa keliya oo aan ilaa hadda Ayaxaasi si wanaagsan ugu habsannin, Gobollada Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Gobolka Banaadir, hubbantina inuu dul heehaabayo, Balse, weli kuma degin degel iyo deegaanna kuma yeelan.

Haddaba qaabkii Beeleysiga lagu sargooyey magac laga soo minguuriyey dalal shisheeye (Federaal= Beelaysi) balse, umadda Soomaaliyeed inta maanka iyo maskaxda fayoobi ka deyrisay qaylodhaanna ka dirtey Maantuu taaganyahay halkay ka soo askuntey qabyaalada Soomaaliyeed. Sida aan ognahay marka lays xifaalaynayo, dalka gudihiisa lana kala qabyaalad badan loona kala firfircoon arrimaha Qabyaaladda.

Qabyaallada Soomaaliya waxay ku dhalatey magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, iyadoo Timatidcan ayaa lagu guursaday gobolka Bari, iyadoo saddexan oo saddex da’ood waddatana waxay u guurtey Gobollada waqooyi, haddana Iyadoo Toban dhal ah waxay fadhidaa maanta Koonfur.

Haddaba Nidaamka Beelaysiga ninkii keenay ayaa maanta diiddan fulintiisa, waa su’aale, sheekada Reer Puntland ma la jiifiyaana Bannaanbaa la joojiyaana bannaan?.

Waxaa magaalada Gaalkacayo joogi jirtey, Haweenay aad u jecel Shaaha, bulshada deegaankuna ku xaman jireen inay quruumo ama Rooxaan qabto, Haweenaydan ayaa had iyo jeer sidan jirtey, Kildhi (Jalmad) Shaah ugu jiro iyo Koob. Haweenaydaas ayaa ka xanaaqi jirtey ”GAALOOY JAB” markay eraygaa maqasho ayay ugu jawaab celin jirtey cida tidhaahda,“GAALOOY JIR” waxaa la weydiiyey maxaad uga xanaaqdaa Gaallooy jab? Waxay tidhi Gaaladu saw maaha kuwa sameeyey, KILDHIGA, shaahana noo keena, la’aantood waxaan u dhiman lahaa, Xaraarad shah (Khamrad) Haweenaydan ayaa aamintey haddii gaaladu Jabto in iyadana Shaah la’aani ku dhacayso.

Hadda waxaa jirta Bulsho Soomaaliyeed oo sidan oo kale ah haddaad Kenyaatiga ama Itoobiyaanka, wax ka sheegto kula dagaallamaya ama kula colloobaya, sababtuna waxay tahay waxay u arkaan inaysan la’aantood waxba noqon karin, danahooda iyo damacoodana gaadhi karin.

Haddaba haddii shalay la muquuniyey, Gobollada Jubbooyinka, haddii la yidhi Gedo Kismaayo ha laga xukumo, Shabeellada Hoosena Baydhabo ha looga taliyo oo dad iyo deegaanba la afduubay arrintaas waxay ahayd shalay hirgelinta Federaalka (Beelaysiga) Arrintaas maamulka Bari aad buu ugu riyaaqay, haddaba, haddii la yidhi maanta Gobolka Mudug wuxuu hoos tegayaa, Galguduud, oo Dhuusa Mareeb ayaa looga talinayaa maxay tahay sababta keentay in Maamulka Bari ka soo horjeesto? miyeysan ahayn arrintani hirgelinta nidaamkii gurracnaa ee ay loo ololeynayey? Bal adba?

Soomaalidu ma aysan dooran nidaamkan ee waxaa u doorey dalalka deriska ah iyo waddama reer galbeedka, waxaana billow iyo dhammaad gadhwadeen ka ahaa Federaalka Gobollada Bari oo yar iyo weyn, Carruur iyo Cirroole isku raacay in ay tahay xalka iyo sida keliya ee lagu kala badbaadi karo, dowlad wadaag Beelaysan, haddase waxaad mooddaa in arrintu sidii hore ka bedelantahay?.

Maxay tahay farqiga u dhaxeeya ninka Jooga Gedo ee loo diiday inuu wax la wadaago Baydhabo iyo Bakool, laguna qasbay inuu Kismaayo hoostago, iyo ninka Jooga Jaziira ee lagu qasbay in Baydhabo looga arrimiyo, sidoo kale maxaa diidaya in ninka Jooga Jarriiban iyo Tuulo Buuryaqab in looga Arrimo Dhuusa mareeb? Anigu ma garan!

Bulshada Soomaaliyeed, waxaan filayaa ee shalay lagu suntey Federaaldiidka ama QASWADAYAASHA, in ay dareemi doonaan, dhagarta ku hoos jirta Federaalka iyo Beelaysiga, Federaaloow fitnadaada la wada arag, haddii kii shalay kuu foognaa maanta kaa fiigey.

SomaliArguments

Advertisements

Posted on August 2, 2014, in Moment Media Ethics. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: