Ra’isulwasaare Yuulka -Morgan iyo Maslax Siyad oo kulan albaabada isu xirtay – Aargoosi mise tumasho?

 Muxuu soo kordhin karaa Isbedalka lagu sameeyey Madaxda Amniga ee Dowlada?(Warbixin Xasaasi ah)


Muxuu soo kordhin karaa Isbedalka lagu sameeyey Madaxda Amniga ee Dowlada?(Warbixin Xasaasi ah)

SomaliArguments – Ra’isulwasaare Cabdiweli Ahmed oo ka soo laabtay Burundi ayaa dhamaan wafdigii la socday iyo hoowlwadeenadiisii gaarka ahaa uga haray Nairobi.iyagana waxay u gudbeen Muqdisho.

Ra’isulwasaaraha ayaa Guri ka kooban sedex qol jiif – qol fadhiya iyo beer ka kireeystay duleedka Magaaladda Nairobi,degaanka lagu lagu magacaabo Karen,wuxuuna halkaas shir albaabada u xiran kula leeyahay Jeneral Maxamed Saciid Xersi Morgan iyo Jeneral Maslax Maxamed Siyaad Barre.

Dad isku dayay inay booqdaan Ra’isulwasaaraha ayaa ku hungoobay kadib markii ilaaladiisa is hortaageen.

“Ra’isulwasaaraha wuxuu shir sedex maalmood socon doona la leeyahay Maslax Maxamed Siyaad iyo Maxamed Saciid Morgan sidaas darteed wuxuu nagu amray inaan qofna u gudbin maalmahaas”ayuu yiri nin ka mida ilaaladiisa oo la hadlay Siyaasiyiin rabay inay la kulmaan.

Jaad ama Qaad farabadan ayaa Xaafadda Islii looga qaaday Ra’isulwasaaraha iyo Saraakiisha la joogta hasse yeeshee lama oga wuxuu kulankooda quseeyo.

Dadka Mucaaradsan waxay leeyihiin waxaa duleedka Nairobi {Karen} ka socda tumasho sedex maalmooda hasse yeeshee diblomaasiyiinta qaar waxay kulankaas u arkaan mid siyaasadeed oo looga arrinsanayo hoowlgal loogu magacdaray AARGOOSI.

Ra’isulwasaare Cabdiweli wuxuu todobaadkii hore Garowe ku saxiixay heshiis looga danlahaa in lagu fashiliyo maamulka gobolada dhexe ay ka dhisanayaan bulsho u badan beesha Hawiye.

Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federalka Somalia wuxuu horey u saxiixay heshiis lagu cadeeyay in gobolada dhexe laga dhisi doono Maamul ka kooban Galgaduud iyo Mudug.

Heshiiska cusub ee dhigaya in Xaduudka Puntland yahay Koofurta Galkacyo wuxuu gogol xaar u yahay qorshe Cabdiweli ku shaacin doono ineysan Dowladda aqoonsaneyn Maamul goboleedkastoo laga dhiso gobolada dhexe maadama uu yahay hal gobol iyo bar ,taas oo ka dhigan inuusan buuxin sharuuda laba maamul iyo wixii ka badan ayaa noqon kara maamul goboleed.

Siyaasiga Ahmed Shire Falagle ayaa bartiisa Facebook wuxuu ku qoray in heshiiskii Cabdiweli Gaas iyo Cabdiweli Yuulka uu qabyo ka ahaa heshiis dhexmaray beelaha Mareexaan iyo Majeerteen 1988.

Axmed Shire wuxuu qoraalkiisa kooban ku yiri:-

HESHIISKA LABO CABDI WALI WUXUU QABYO KA AHAA 1988 HESHIIS MAREEXAAN IYO MAJEERTEEN KU DHEX MARAY AFGOOYE

OO AY KALA HOGAAMINAYEEN .

MAREEXAN

1-MAXAMED SIYAAD

2-JAANGO-AN

3-CABDI CIGAAL

4-WARSAME INDHOOLE

DHANKA MAJEERTEEN WAXAA HOGAAMINAYEY

1-XASAN ABSHIR

2-MIRE AWAARE JAMAC

3-MAXAMED ABSHIR MUUSE

QORSHAHA UGU WEYNI WUXUU AHAA IN BOQORTOOYO DAAROOD LA DHISO
OO MASLAX MAXAMED SIYAAD LOO DHIIBO ,DALKA KUWAIT-NA UU MAAL GALIYO,MASARIDANA LABO MILYAN OO CIIDAN BEERALEY AH OO ALFALAX AH
LAGA COD SADO KUWEYDNA BIXISO DHAQAALAHA .

QORSHAHASI ISAGA OO MEEL FIICAN MARAYA AYAA SNM BURCO QABSATAY ,DAGALNA MA JOOGSAN .

HABKII LOO SUURO GALIN LAHAA MORGAN IYO SICIID MARINO LOO DIRAY KUWEYD HASSE YEESHEE QORSHAHAAS WAXAA FASHILIYAY AWOODAHII JABHADAHII SNM IYO USC.

Advertisements

Posted on October 19, 2014, in Moment Media Ethics. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: