Musharaxnimada C/raxmaan C/shakuur waxay la mid tahay Soomaaliya oo iib ah!

imageSomaliaArguments : – Posted at 23/06/2016 20:16:00 


Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, oo la filayo in ay dhacdo bisha Oktoober oo ka harsan mudo aad u kooban waxaa isku soo sharxay siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii KMG ahaa ee soo maray dalka iyo aqoonyahano qaarkood qurbaha ku raagay, waxayna u taagan yihiin iney ka qeybgalaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka.

Murashaxiinta loolanka ugu jira hoggaanka dalka, intooda badan waa kuwo xilal kala duwan soo qabtay oo qurbaha ka tegay, qaarkood siyaasadda dalka lama saan qaadi karaan, warna uma haayaan marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray. Murashaxiinta qaar ayaa dantooda tahay inay yihiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kale ay daneenaayaan iney siyaasadda kusoo galaan si ay uga helaan magac.

imageA-shakuur-

Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Waxaa la arkayaa kuwo ku dhisan qaabka qabiliga ah ee aan soo dhaafin dalalka reer-galbeedka ee qaxootiga Soomaaliyeed ceyr ku noolka ahi daggan yihiin, waxqabadkoodana ku kooban yahay is-muujin iyo inay shirar u qabtaan dadka Jaaliyadaha ku mehrad laabay qurbaha iyo kala qaybsan qabiil-qabiilka.

Waxay kuwaasi yihiin kuwo haba-yaraatee aan dalka gudahiisa kalsooni ku heysan, oo hadda bilaabay iney gudbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan, qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee hormuudka u ah Xisbiga magac u yaalka halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.

Way dhici karta inay jiraan ururo ama axsaab haddii si dhab ah loo rogrogo baranaamijyadooda, lagu qanci karo maabdi’dooda siyaasadeed iyo ahdaafta ay gudbinayaan marka lagu dhereriyo sida guul looga gaari karo marxaladaha dalka ka jira iyo duruufaha ku hareysan arrimaha aminga iyo midnimada qaranka, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xurmo-siinta xuquuqda dadka muwaadaniyiinta ah.

imageA-shakuur-1Haddii aan soo dhaadhaco ujeedada qormadeyda, waxaa lagama maarmaan ah in faallo laga bixiyo, mid ka mid ah is-bandhigayaasha musharaxiinta oo uu ka mid yahay ninka la yiraahdo C/raxmaan C/shakuur, oo ku dhawaaqay inuu jagada ugu sareyso dalka hami ugu jiro, ma la is weydiiyay waa kuma ina C/shakuur? muxuuse usoo qabtay dalka, muxuuse ka qabsaday? dhibaato ma u horseeday, iyo su’aalooyin kale oo lagama maarmaan ah in qalbiga lagu haayo.

C/raxmaan C/shakuur, wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii KMG ee soo maray dalka, waxaana lagu xusuustaa gefkii uu dhulka, badda iyo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay qoom gefeneyaal ah oo xililkii ummada halkii ay ugu adeegi lahaayeen danaha qaranka ku badasahay inay u noqdaan caddowga madiidin Soomaaliya lagu shirqoolayo sidii qariidada aduunka looga saari lahaa.

Gefkaasi wuxuu galay intii uu ahaa wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumaddii Cumar C/rashiid ee Madaxweyne Shariif Sh. Axmed, markaasi oo uu saxiixay heshiis loogu yeeray is fahamka soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Heshiiskaasi oo ku hoos tuugnaa arrimo qarsoon oo Kenya ay ku xalaaleysaneysay badda Soomaaliya.

imageC/raxmaan C/shakuur oo dhaliilo fara badan kala kulmay bulshada Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay heshiiskaasi, wuxuu si cad u sheegay in heshiiskaasi uusan wax badan ka ogeyn, balse Ra’iisul Wasaarihii xiligaasi ee Cumar C/rashiid uu ku amray in uu saxiixo, lana soo hordhigay, waxaase wax lala yaabo aheyd in adigoo Wasiir heer qaran ah, adigoon akhrin ama isha marin nuqulada aad saxiixeyso waxa ay ka hadlayaan ma yihiin kuwo dan iyo faa’iido u ah qaranka Soomaaliyeed.

Ayaan- darada Soomaaliya haysata ayaa ka mid ah nooca murashaxiintaas isa soo muujiyay. Baarlamaanka ayaa waqtigaan waxaa ku haboon isagoo adeegsanaya xeer yaqaanada iyo xaajo yaqaanada Soomaaliyeed in la saaro guddi anshax ah oo dib u eegis ku sameeya murashaxiinta, kadibna go’aan ka gaara kuwa u qalma inay noqon karaan murashax.

imageSoomaaliya waa in laga badbaadiyaa canaasiir dalka beec gelinta la raadinaaya sida Faroole, Sharma’arke, C/raxmaan C/shakuur, Jurile iyo kuwo kale oo la mid ah in ay yeeshaan xuquuq wado ugu dhigi karta in ay qabtaan mansab Soomaaliyeed, sababtoo ah waxay ku sifeysan yihiin adeegayaal u shaqeeya caddowga Soomaaliyeed kuwooda ugu qatarsan ee weliba deriska ah.

Dadka Soomaaliyeed ee qabaa’ilka ah, lana jufada ah qoomamkaas aan soo sheegnay, waxaa laga codsana, hadii ay Soomaalinimo doonayaan inaynan taageerin si qaranka u badbaado. Caadifadaha qabaliga ah inaan loo adeegsan wax kasta oo kala qeybsanaan iyo burburkii dalka soo maray dib noogu celin karo.

Posted on June 23, 2016, in Moment Media Ethics. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment