80 xildhibaan oo magaalada Nairobi uga dhawaaqay madal ay ku mideysanyihiin

image80 xildhibaan oo magaalada Nairobi uga dhawaaqay madal ay ku mideysanyihiin

May 14, 2017 Somalia Arguments


Muqdisho (Somalia Arguments ) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga dhawaaqay madal ay ku mideysanyihiin,sida ku cad qoraal la soo gaarsiiyay Somalia Arguments.

Xildhibaannadan oo tiro ahaan lugu sheegay inay gaarayaan 80 xildhibaan ayaa madashada ku mideysan,waxaana ay doorteen guddoomiyaha madasha oo loo magacaabay,Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

Madashadan ayaa la sheegay inay ka dhalatay,kaddib kulamo isdaba-joog ah oo ay magaalada Nairobi ku qaadanayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka faderaalka.

“Madashan waxay noqon doonta mid leh Gole Fulin iyo Gole dhexe,waxaana dhowaan la dhammeytiraya xubnaha Hoggaanka Madashan.” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan madashada ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka faderaalka.

Xildhibaanka oo la hadlay Somalia Arguments ayaa codsaday inan la baahin magaciisa,waxaa kalo u sheegay madashada inay dooneyso sidii loola xisaabtami lahaa dowladda si loola socda shaqooyinka ay qabanayaan hay’adaha dowladda iyo xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Warar horu-dhac ah oo ay heleyso warbaahinta Somalia Arguments ayaa sheegaya danaha laga leeyahay madasha ay xildhibaannada ku dhawaaqen inay tahay sidii ay u noqon lahaayeen xisbi siyaasadeed mucaarad ah oo haddana awood ku leh baarlamaanka dhexdiisa.

Madashadan waxaa kalo ka soo muuqday xildhibaanno badan oo diidan xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Kheyre,mana cadda inay diyaarin doonan mooshin ay ka keenayaan xukuumadda.

Guddoomiyaha madashan oo loo magacaabay,Xildhibaan Xiddig waxaa loo arka qof galangal badan ku dhexle baarlamaanka,wuxuu isku soo sharraxay guddoonka Baarlamaanka oo kaliya hal-wareeg looga guuleystay.

Ugu dambeyntii,madashan oo aan wali warbaahinta loo soo bandhigin waxaa laga dhex arki kara sida ay dowladda madaxweyne Farmaajo mucaaradad ugala kulmi karto baarlamaanka dhexdiisa.
__
Somalia Arguments 

 

Advertisements

Posted on May 14, 2017, in Moment Media Ethics. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: