Taliyaha Cusub ee Booliska oo ah Danbiile!

Taliyaha Cusub ee Booliska oo ah Danbiile!

Taliyaha Cusub ee Booliska oo ah Danbiile!

Saturday 12 July 2014 14:51 Toronto, Muqdisho (Moment Media Ethics) – Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo uu Todobaadkii hore Magacaabay Raisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh ayaa ah Dagaal ooge ay raadineyso Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya.

Dowladda Kanada ayaa raadineyso Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo Dalka Kanada looga yaqaan Magaca Maxamed Xasan Faarax waxaana Generaal Maxamed Sheekh Xasan lagu heystaa Danbiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

“The New Somali Police Force Commissioner is a Somalian war criminal wanted by government of canada and Toronto-area police (…) he is wanted by the government of Canada for violating human rights under the Crimes Against Humanity and the War Crimes Act.”

Jen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa Dalka Kanada iskaga soo baxay kadib markii Qoysas uu Xiligii Kacaanka si xun u galay ay ku dacweeyeen Dalka Kanada, waxaana lagu heystaa in uu ku xadgubay Xuquuqda Aadanaha, amrayna in la dilo Dad Rayid ah. Qoysaskaan ayaa Caddeyno badan hordhigay Maxkamadda.

Sidoo kale wuxuu Iibin jiray oo uu Lacag ku badalan jiray Dadkii “Kacaan Diidka” loo yaqiinay oo ku xirnaa Xabsiyadda, wuxuuna xiri jiray Ganacsatada diida Lacagta baadda.

Generaalka ayaa xiligii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre ahaan jiray Madaxa Dambi baarista Gobolka Banaadir. Dambiyadda lagu heysto Jen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa waxaa kamid ah Kufsi, dhac iyo Dilal.

Nin si fiican u yiqiinay Taliyaha Cusub ee Booliska xiligii uu joogay Dalka Kenya ayaa yiri “Hotelada Nairobi Caan ayuu ka ahaa oo Qamriga ayuu cabi jiray, waxaana marar badan loogu yeeray Booliska si uusan u dhibin Macaamiishta Hotelka (….) haatan garan maayo in uu Qamriga ka gudbay laakiin Sanado badan ayuu ahaan jiray ‘addicted’ (Qamriga ayaa qaban jiray)”

Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliska ayaa timid kadib markii Labaad lasoo weeraray Madaxtooyadda Soomaaliya.

image

Posted on July 12, 2014, in Moment Media Ethics. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment