Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda!!

 Faallo: Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda!!

Faallo: Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda!!

Faallo: Ka kalluumeysiga dhoobada dhexdeeda!!

22/07/2013 – Moment Media Ethics – Justicein Somalia  – Waxaa baryahani danbe saxaafadda kusoo baxayey in kooxo lagu sheegay in ay xilal kala duwan dalkan horey uga soo qabteen ay kulamo ku yeelanayeen Hoteelo ku yaalla Caasimadaha wadama dariska ah, kuwaasoo sida muuqata isu gaashan buureysanaya in ay burburiyaan Dawladda hadda ka hana qaadey dalkaSoomaaliya, iyagoo eedeymo aan loo meel dayin soo mariyey saxafadda gudaha.

Arintani waxay daah fureysaa sida markale ayna cadowga Soomaaliya u doonaynin in ay hana qaaddo dowlad Soomaaliyeed nooc kasta oo ay tahay, waxaase yaab leh in xilli kasta ay jiraan tabcanayaal u taagan ka hor imaadka danta dalkooda iyo dadkooda, kuwaas oo aan wax ku qaadan taariikhda iyo dhacdooyinka lasoo marey.

Waxaa markaas waajib ku noqonaysa in qof kasta oo ku taamaya in uu mar uun arko qaran Soomaaliyeed oo ka hana qaadey ciidda Soomaaliya uu ka damqado waxa ay ku howlanyihiin u darbanayaasha cadowga ee aan danta dalkooda aqoon, waxaana ay qormooyinkaan oo aan ugu magacdarrey( ka kallumeysiga Dhoobadda) ay qayb ka yihiin dhaq dhaqaaqyada looga gilgilanayo arimhani gurracan, waxana doonaynaa inaan kusoo bandhigno wajiga cadowga ah ee dahsoon ee kooxani leeyihiin anagoo mid mid usoo qaadan doono, waxanan ku bilaabeynaa Cali Maxamed Geeddii.

Waa kuma Prof.Cali Maxamed Geedi?

D6892103-2260-4A53-8116-4221609E7F6BCali Maxamed Geedi waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1951kii, waxana dhalay sargaal ka tirsanaan jirey ciidankii Nabad Sugiidda Soomaaliyeed (NSS). Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa la qorey in uu ka mid noqdo ciidankii NSSta isagoo yar intii uu dhiganayey duwgsiga sare ee jamaal Cabdi naasir , wuxuuna sii watay shaqadaas ilaa ay ka dhacadey xukuumadii Milatariga ahayd ee uu hogaamiyaha ka ahaa Jen. Maxamed Siyaad barre.

Laga soo bilaabo xiligaas Cali geeddi waxaa loo xil saarey inuu guto howlo basaasnimo oo ka dhan ahaa ardaydii ay wada dhigan jireen Schoolkii Jamaal Cabdi Naasir iyo Jaamacadda Umadda oo uu markii danbe ku biirey.

Markii uu dhamaystay Dugsigii Sare ee Jamaal Cabdi Naasir ee Muqdisho sannadkii 1974, waxa uu galay kulliyadii xannaanada Xoolaha ee Jaamacadii Muqdisho, taas oo uu ka qalin jebiyey sannadkii 1978. Intii u dhexeysey 1979-1981 waxa uu abaal marin u helay inuu aado deeq wax barasho oo dibadda ah maadama uu xabsiyada u direy saaxiibo badan oo ay jaal kuwada ahayeen waxbarashada, kuwaas oo uu basaasay, kuna shabadeeyey in ay ahayeen kacaan diid, wuxuuna ku biirey Jaamacada loo yaqaan Pisa oo ku taal dalka Talyaaniga.

Geedi waxa uu kusoo laabtay Xamar dabayaaqadii sanadkii 1981 ,markii uu soo dhamaystay waxbarashadii labada sano ahaynd ee uu abaal marinta ku helay, waxaana toos loogu biiriyey Kulliyaddii xannaanada xoolaha ee Jaamacada Umadda halkaas oo uu sannadkii 1982 ka noqday macallin-kaaliye. Kaddib si degdeg ah ayaa loogu magacaabay hormoodkii kulliyadaas oo uu hayey ilaa xukunkii Siyaad Barre uu ka dhacay sannadkii 1991.

Geedi iyo dagaalka Sokeeye

Markii uu dhacay taliskii milatariga wuxuu Cali Maxamed Geedi Jiidey aariyada,!! ka dib markii jabhadihii duuleyey ay ku dareen kooxihii agoontoobay oo tuubooyinkii ay dhuuqi jireen laga jaray. Dhicitaankii xukuumadii Siyaad Barre waxaa ku xigey xilligii qabqablayaashii dagaalka. Cali Mahdi Maxamed waxa uu ahaa mid ka mid labadii qabqable dagaal ee ugu tunka roonaa ee soo shaac baxay dhicitaankii xukuumadii Siyaad Barre ka dib; halka uu ahaa kan kale Maxamed Faarax Caydiid.

Cali Maxamed Geedi markii uu dhinacyaha dhugtay waxaa u soo baxdey inuu sil sildda ku xirto Cali Mahdi, waxaa uuna isku lamaaniyey meeshii ahayd booska kaliya ee ugu dhaw in wax la boobo, isagoo noqday xoghayihii sahayda intii u dhaxaysay 1991-1992 markaas oo ahayd waqti ka mid ah waqtiyadii ugu xumaa taariikhda Soomaaliya. Xilligaas oo Geeddi waxa uu sidoo kale ahaa Gacan yaraha Xoghaynta Difaaca ee Cali Mahdi.

Dagaalkii sokeeye ee ay kala hogaminayeen labadaasi dagaal ooge oo midkood uu sahayda u hayey Geeddi ahi waxa uu galaaftay nolasha ilaa 50,000 oo Soomaali ah, waana mid ka mid ah danbiyada ugu waawayn oo u baahan in geedi mustaqablka lagula xisaabtamo.

Cali Maxamed Geedi iyo Meles Zenawi

gedi-meles

Maqaal dheer oo ay sanadkii 2007 qortay haweenay suxufiyad rug cadaa ah oo u dhalatay dalka Itoobiya, kuna nool dalka Mareykanka ayaa waxay ciwaan uga dhigatya ( Cali Geedi: adeegihii Meles Zenaawi ee dalkiisa iibsadey).

Maqaalkaas ayey suxufiyadaasi ku xustay arimo badan oo naxdin kugu abuuraya salkana ku haya sida uu Cali Maxamed Geeddi R/wasaarihii taariikhda madoobaa ee dalkeena soo marey uu ugu takri falay, aqoontiisa iyo awoodiisa labadaba.

Sida warbixintaas lagu sheegay bartamihii sannadihii 80-naadkii, Geeddi aabihiis, Col. Maxamed Geeddi oo ahaa sargaal ka tirsanaa ciidankii sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu darey koox saraakiil ah oo loo xil saarey inay caawiyaan hogaamiyayaashii mucaaradka ee Itoobiya ee Soomaaliya ku sugnaa xiligaas, kuwaas oo uu ku jirey Meles Zenawi oo xilligas ka soo fakaday taliskii Mingisto hayle mariam, isagoo hogaamiye ka noqdey jabhaddii TPLF (Tigray People’s Liberation Front), oo ka mid ahayd jabhadihii hubaysnaa ee kasoo horjeeday taliskii Addis ababa xiligaas.

Col. Maxad Geedi oo ahaa Cali Geeddi aabihiis ayaa si gaar ah loogu xilsaaray in uu xiriiriyo hogaanka nabad sugidda iyo Meles Zenawi si loo siiyo wax yaabaha asaasiga ah ee uu u baahan yahay, ulana socdo baahiyihiisa gaarka ah, wuxuuna Geedi aabihii u dalacay Ugu dambaynti sargaalka xiriirinaya Dawlada Soomaaliya iyo Jabhadii TPLF ee uu hogaamin jirey Zenaawi.

Sida warbixintan lagu qorey waxaa xiligaas beermey xiriirka qotoda fogaadey ee labada nin Cali Maxamed geeddi iyo Atto Meles Zenawi, taasoo horseedey in la wada maleego khiyaamooyin isku xiriirsan oo ka dhan ah danaha Soomaaliya.

Markii uu guul daraystay hawlgalkii ay qaramada midoobay iyo Mareykanku gardaadinayeen ee la magac baxay UNOSOM bishii March 1995, ayaa Geeddi aabihiis waxa uu la xiriiray saaxiibkiisii hore Meles Zenawi. Col. Maxamed, Geeddi aabihiis, waxa uu Zenawi wiilkiisa u weydiiyey sidii uu uga gacan qaban lahaa taageero siyaasadeed oo kor usoo qaada wiilkiisa, si uu qayb sare uga ciyaaro siyaasadda Soomaalida.

Waxay dhacday arintaasu markii Col. Maxamed Geeddi uu booqashada ku tegey Addis Abeba, goortaas oo Cali Maxamed geeddina bilaabay in uu iska fogeeyo Cali Mahdi iyo ururukiisii, uuna bilaabay in uu si furan uga horyimaado Cali mahdi. Halkaas waxaa ka bilowday khiyaamooyinkii taxnaa ee Geeddi u geystey guud ahaan dadka Soomaalida, iyo weliba dadkii isaga soo gaarsiiyey heerkaas sare ee Siyaasadda Soomaalida.

Markii dagaalka sokeeye ka qarxay Soomaaliya, Geeddi waxa uu ku negaadey bannaanka Soomaaliya, inta badan Itoobiya iyo Kenya. Waxa uu lataliye ahaan ula shaqeeyey dhawr laamood oo ka mid ah gobolka Afrikada Bari oo qaabilsan xoolaha. Intii u dhexeysey 2003-2004 Geeddi waxa uu u shaqeeyey “RSLTC” oo laga soo gaabiyey (Red Sea Livestock Trade Commission). “RSLTC” waa laan hoos tagtay faraca Midowga Afrika u qaabilsan khayraadka xayawaanka ee loo yaqaan “AU-IBAR” (African Union’s Inter-African Bureau for Animal Resources), waxaana maal-geliya hay’adda USAID, sidaas ayaa Geeddi ku noqday shaqaale USAID. Hotel raaxo badan oo ku yaal Nairobi, Kenya ayaa waxa uu Geeddi u ahaa xafiiskiisa iyo meesha uu deggan yahay, sida warbixno sheegeen.

“… Intii uu joogey Nairobi waxa uu korka kala socdey barnaamij lagu xakamaynayo cudurada xoolaha Soomaalida barnaamijkaas oo ay maalgeliso beesha caalamku..”

Runtu waxay tahay in uu xirfadiisa iyo jagada uu hayey u adeegsadey sidii uu u curyaamin lahaa dhoofitaanka kobcaya ee xoolaha Soomaalida si uu u caawiyo tababarihiisa iyo macallinkiisa Meles Zenawi.

Sannadkii 1996 barnaamij ay maal gelisey USAID oo ku saabsanaa dhoofinta xoolaha ayaa la siiyey Itoobiya, halkii mashruucaas laga siin lahaa Soomaaliya, talo uu bixiyey Geeddi awgeed. Warbaahintu ma xusin in Geeddi keligiis uu mas’uul ka ahaa mamnuucidii dhoofinta Xoolaha Soomaaliya. Markii uu Geeddi u shaqaynayey hay’ad NGO ah oo laga leeyahay Talyaaniga oo la yiraahdo Terra Nuova, waxa uu soo saaray qoraal sheegeysay in Xoolaaha Soomaalidu ay qabaan cudurka loo yaqaan “Rift Valley Fever”, arrintaas oo sababtay in Xoolaha Soomaalida ay mamnuucaan Dalalka Khaliijka, taas oo Soomaalida ka khasaarisay dakhli malaayiin ah oo ka soo geli lahaa dhoofinta Xoolaha Nool. Arrintaasi waxay jid aan muddo dheer sii jirin u furtay xoolaha Itoobiya in ay fursad gaar ah ka heleen suuqyada Dalalka Khaliijka iyo wadamada kale ee Carabta ah.

Kaddib 14-jeer oo la isku deyey in Soomaaliya loo dhiso Dalwad Kumeelgaar ah lagu guulaysan waayey sababtoo ah faragelinta Itoobiya, ayaa sannadkii 2004 waxaa Kenya lagu dhisay Dawlada Kumeelgaarka ah ee uu Madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed , ayaa waxaa hal mar la maqlay magaca cali maxamed Geeddi oo loo doortay R/wasaaraha Soomaaliya, taasna waxay timid markii uu Cabdulaahi yuusuf cadaadis uga yimid Meles Zenawi.Col. C/laahi Yuusuf ayaa shaqsiyan dhowr jeer sheegay arinkaas. Ka dib markii ay marar badan lasoo daristay dhibaato ah in Geeddi uusan ahayn xubin ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalkii Kumeel gaarka ahaa, ayaa Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo ahaa hoggaamiye kooxeed xaruntiisu ahayd magaalada Jowhar oo ay qaraabana la ahaa Geeddi, islamarkaana Itoobiya ku xirna lagu amrey inuu booskiisa baarlamanaaka baneeyo, sidaana waxaa ku suuroowdey inuu geeddi ka gudbo caqabadii xubinimadii baarlamaanka.

Sidaan horey usoo tilmaanay laga soo bilaabo bartamihii sannadihii 90-mayadii waxaa sii xoogeystey xiriirkii u dhexeeyay Geeddi iyo xukuumada Tigreega ee ee Itoobiya ka talisa, waxaana markaas (Geeddi) xukumaadaas looga dhigay basaas sida ay qortay warbixintan ay qortay suxufiyada reer Itoobaiya. Waxaa bil kasta la siin jirey mushahar lagu siinayo xogta qarsoon ee uu ku biirinayey xukuumada Meles.

Xiriirkaas soo jiitamayey muddada dheer waxa uu wadada u xaarey in markii danbe ciidamada Itoobiya soo galaan dalka Soomaaliya, taasna waxay ahayd dadaal kale oo Geeddi kusii balaarinayey danaha Itoobiya ee loo igmadey , dhacdanina waa mid kale oo wadada u xaareysa in Cali geeddi iyo intii kale ee kala qayb qaadatay lagula xisaabtamo wixii ka dhashay soo galitaanka Itoobiya ee dhibaatoonyinka ahayd ee isugu jirtay dhac, boob iyo xasuuq .

Arinta sadexaad ee iyana u baahan in lagula xisaabtamo Cali Maxamed Geeddi waa arinta dhacadey xilligii uu u shaqaynayey hay’adda Terra Nuova (Italian NGO) oo ahayd in uu ku dhawaaqay arrin layaab lahayd oo ah in uu sheegay in xoolaha Soomaaliya ay qabeen Cudurka Xummadda ee loo yaqaan Rift Valley Fever, taas oo dhalisay in dalalka ku yaal gacanka Beershiya (Khaliijka) ay mamnuuceen xoolaha nool ee Soomaaliya ee loo soo dhoofinayey dalalkooda, arrintaas oo curyaamisey dhaqaalaha Soomaaliya oo markii horeba liitey.

Arinka afraad ee u baahan in Cali maxamed Geeddi lagula xisaabtamo waa malaayiintii doolar ee uu boobay intii uu R/wasaraha ka ahaa xukuumadii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana cadeymaha la xiriira musuqmaasuqa balaaran ee u galay Cali Geeddi uu ku xusanyahay buuga uu qorey C/laahi Yuusuf isagoo ku tilmaamay ilaa ay arintu gaartay in Geeddi iyo nin kale oo ay saaxiib yihiin ay dowladdii oo dhan u badaleen NGO ay maamushaan lacagtiisa oo la waayey meel ay wax marsiiyeen. Malaayiintaas Dollarna waa mid u taal oo lagula xisaabtamayo asaga iyo saaxiibadiisii la boobay.

Hadaba waa su’aal da’ weyn ee madaxa daalinaysee waa maxay sababta keentay in ninkaan intaas oo danbi iyo dhagaro ah ka galay umaddiisa uu wali soo taaganyahay, ma anagaan wax garan mise isagaan wali ciil bixin? Dhabtu waa isagaan wali ciil bixin, laakiin waxaan wada xasuusanaynaa maahmahdii Soomaaliyeed ee ahayd (mar i dage alaha dago mar labaad i dagase alaha dago)!!.

NB. Xogtaan in badan oo ka mid ah waxaa kasoo xiganay maqaal ay qortay Suxuyad Itoobiyaan oo lagu magacaabo – Sophia Tesfamariam

Source:  SomaliArguments

80 xildhibaan oo magaalada Nairobi uga dhawaaqay madal ay ku mideysanyihiin

image80 xildhibaan oo magaalada Nairobi uga dhawaaqay madal ay ku mideysanyihiin

May 14, 2017 Somalia Arguments


Muqdisho (Somalia Arguments ) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga dhawaaqay madal ay ku mideysanyihiin,sida ku cad qoraal la soo gaarsiiyay Somalia Arguments.

Xildhibaannadan oo tiro ahaan lugu sheegay inay gaarayaan 80 xildhibaan ayaa madashada ku mideysan,waxaana ay doorteen guddoomiyaha madasha oo loo magacaabay,Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig. Read the rest of this entry

Freedom of expression

Daawo Dowlada Farmaajo oo bilowday qabiilada uu san odayga jecleen dadka ka soo jeeda ee dowlada ku jira in lagu eedeeyo musuq-maasuq been ah si xilka looga qaado ama 


Institute of social Research
Toosinta Kacaanka
Bar AMA Baro

SOOMAALIYA:- SHALEY MACAAWISTA KA DHEX BAX, MAANTA XILKA KA DHEX BAX, BERRI…?

Saf balaaran oo xil ka qaadis ah ayaa socda, olole lagu xiddido siibayo madaxdii hore ayaa la wadaa, ruux horey u soo shaqeeyey oo la cafinayo ma jiryo, isbadal aan naxariis laheyn ayaa Hay’ad walba lagu qaadey, lama sheegin masuul la dhaafayo, haraadi aan loo baahneyn ayaa loo aqoonsadey madaxdii ka horeysay Dawladda cusub ee iminka jirta. Read the rest of this entry

Musharaxnimada C/raxmaan C/shakuur waxay la mid tahay Soomaaliya oo iib ah!

imageSomaliaArguments : – Posted at 23/06/2016 20:16:00 


Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, oo la filayo in ay dhacdo bisha Oktoober oo ka harsan mudo aad u kooban waxaa isku soo sharxay siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii KMG ahaa ee soo maray dalka iyo aqoonyahano qaarkood qurbaha ku raagay, waxayna u taagan yihiin iney ka qeybgalaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka.

Murashaxiinta loolanka ugu jira hoggaanka dalka, intooda badan waa kuwo xilal kala duwan soo qabtay oo qurbaha ka tegay, qaarkood siyaasadda dalka lama saan qaadi karaan, warna uma haayaan marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray. Murashaxiinta qaar ayaa dantooda tahay inay yihiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kale ay daneenaayaan iney siyaasadda kusoo galaan si ay uga helaan magac.

imageA-shakuur-

Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Waxaa la arkayaa kuwo ku dhisan qaabka qabiliga ah ee aan soo dhaafin dalalka reer-galbeedka ee qaxootiga Soomaaliyeed ceyr ku noolka ahi daggan yihiin, waxqabadkoodana ku kooban yahay is-muujin iyo inay shirar u qabtaan dadka Jaaliyadaha ku mehrad laabay qurbaha iyo kala qaybsan qabiil-qabiilka.

Waxay kuwaasi yihiin kuwo haba-yaraatee aan dalka gudahiisa kalsooni ku heysan, oo hadda bilaabay iney gudbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan, qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee hormuudka u ah Xisbiga magac u yaalka halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.

Way dhici karta inay jiraan ururo ama axsaab haddii si dhab ah loo rogrogo baranaamijyadooda, lagu qanci karo maabdi’dooda siyaasadeed iyo ahdaafta ay gudbinayaan marka lagu dhereriyo sida guul looga gaari karo marxaladaha dalka ka jira iyo duruufaha ku hareysan arrimaha aminga iyo midnimada qaranka, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xurmo-siinta xuquuqda dadka muwaadaniyiinta ah. Read the rest of this entry

Aragtidaada ayaad ku aqoon tahay!

imageAragti suubban iyo eray suugaan

Aragtidaada ayaad ku aqoon tahay!

Bar AMA Baro – Hadda ka hor ayaa Odayaal loo xulay inay gar go’aan ka gaaraan. Waxay isugu yimaadeen sida caadada iyo dhaqanku ahaa geed hoostiis. Geedka waxaa dhakada sare ka saarraa wiil yar oo qayd dabada ugu xiran yahay. Waa tii maahmaahdu ahayd: “Xaajo haddaan sidii Daba Ari loo faydin ma bogsootee”.

Odoyaashii waxay gudagaleen gartii. Haddii ay gartii rogrogeen, oo dhan walba ka fiirsheen, ayey ib u bixin waayeen. Haddii warkii la isku celcelshay waxaa la isla qaatay in garta loo Oday badsho. Kuraygii yaraa ee geedka saarraa ayaa yiri: “Odoyaal ha dhihinninee, WAXGARAD dhaha!”.

Burburkan lagu jiro wax walba oo hallaysan sida ay dad badan la tahay waxaa dhaamay laba koox, oo kala ah: (1)DHALLINYARO. (2)MOORYAAN. Malaha dadka qaar waxayba la tahay inay is dhex galayaan ama isku mid yihiin.

Micnaha Dhallinyaro walbaa inuu Mooryaan yahay, Mooryaan walbaana Dhallinyaro yahay. Run ahaan aragtidaa gurracan waxaa ku hoos ku qarsan fashil weyn oo lagu daboolayo, oo dhan walba leh, ee aqriste, bal qormada sadarradeeda hoose sii raac.

Horaa waxaa loo yiri: “Labaatan jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa” sidaa awgeed, hubaal in dhallintu tahay udub dhexeedka colaadda ka aloosan Waddanka. Maxaa yeelay, waa xaabada dabka lagu shido iyo xoogga xabadda lagu rido.

Midda aannaanse is weydiin baa ah; marka laga soo tago inay keentay cududdooda furan iyo caqligoodaa aan fadhin, haddana saw ma ahan inaan la dhawrin xilli da’aadka ay ku jiraan dhallintu?.

Taa waxaa kuu caddaynaya in dhallintu tahay Malleeshiyada hubka u sidda BEESHA, DIINTA, GANACSATADA, QABQABLAHA iyo JABHADAHA. Marka taa laga yimaado, aan in yar jalleeco hoggaankii hore ee umadda hagi jiray ee aan dhaafsiisanayn labadan kala ah: (1) ODAY DHAQAMEED: ee midi dhiig iyo dhalyo ku yimid. Inta ka soo hartana tahay Garaad iyo gu’ tirsi [GUURTI] oo dabcan magacyo badan oo kala jaad ah. Read the rest of this entry

Yaa Qaswade ah?!

imageAragti suubban iyo eray suugaan

Yaa Qaswade ah?!Image

Bar AMA Ha Lagu Baro – Noloshu galinba waa heer, aadanuhuna goor walba himilo inuu gaaro ayuu u guclaynayaa, jid iyo jiho la’aan is biirsaday ayaase hoggaanka u haya, waa midda horee, waxaan jirin dhabbo loo maro himilooyinkaa, midda kale waa; si jiho loo helo, haddaanba maanka la adeegsan miyaa qiblaba la aadaa? Ka sokowba, waxaanba la garayn jiho waxa ay tahay, iska daa meel ay jirtee, kaba sii daran, waa haddii aanba la garayn inta [imisa] ay tahay, iyo meelaha ay ku gayn karaan.

Qaab socodka siyaasadda Soomaalida maalinba maalinta ka dambaysa waxay sii galaysaa mugdi, waxay ka sii dhacaysaa gabi dheer, waxay ku sii dhacaysaa god dheer, ogaal iyo la’aantiisba, gudcurkan la sii galiyo waxaa u wacan tallaabooyin badan oo dhanka weecsan loo qaaday, kaliya ma ahan, ee waaba inaysan dhicin in la kala roonaaday, intii xilka isaga daba martay, mid walba kan uu ka sii dambeeyo ayuu ka sii liitaa, ka sii xun yahay, ka sii qaabdaran yahay, ka sii xaaransan yahay, anigu yaabaye, ma dadka ayaa sii xumaanayaa? Mise dunida ayaa gadaal u sii xumaanaysa? micnaha waqtiga ayaa xun, oo keenay in dadkuna xumaado, mise dadka ayaa xun, oo keeneen in waqtiguna xumaado. Read the rest of this entry

Opinion-Fikrado

image
Waa Maxay Sifaha uu Gen Gabra ku joogo Soomaaliya ???

Gen Gabra ,waa magac aanan ku cusbeyn Soomaalida oo dhan meel walba oo ay joogto.
Magacan waxaa xambaarsan Mas’uul Itoobiyaan ah oo caskari ah sida lagu sheego oo marki ugu horeysay ee lagu arko saaxada Soomaaliya ay ahayd kolki ay Ciidamada xabashida dagaal kaga horyimaadeen Maamulki la magac baxay Maxaakimta Soomaaliya. waa taariikh dheer oo la wada yaqaan siday ciidamda Xabashida ku yimaadeen Muqadisho iyo siday uga baxeen labadaba.
Waxaasa weli in badan oo Soomaali ah mugdi kaga jiro Gen Gabra oo waagaas ka mid ahaa saraakiishi hogaamineysay ciidamada Xabashida ee duulaanka ku soo qaaday Xarunta Somaaliya,Muqadisho .
Waa maxay sifaha uu Generalkan haddeer ku joogo dalka Soomaaliya ??
1-Ma ahan Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, mana ahan masull xil kaga magaacaban Safaarada ay Itoobiya ku leedahay magaalada Muqadisho.
2-Ma ahan Mas’uul mansab magacaaban ka haayo IGAD.
3-Ma ahan mas’uul mansab magacaaban ka haayo AMISOM ,maamul ahaan iyo ciidan ahaan. Read the rest of this entry

Sirta iyo Siyaasada ka Dambeysa Musuq Maasuqa lagu Eedeeyay Wasaarado badan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Sirta iyo Siyaasada ka Dambeysa Musuq Maasuqa lagu Eedeeyay Wasaarado badan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Sirta iyo Siyaasada ka Dambeysa Musuq Maasuqa lagu Eedeeyay Wasaarado badan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Sirta iyo Siyaasada ka Dambeysa Musuq Maasuqa lagu Eedeeyay Wasaarado badan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Read the rest of this entry

Ra’isulwasaare Yuulka -Morgan iyo Maslax Siyad oo kulan albaabada isu xirtay – Aargoosi mise tumasho?

 Muxuu soo kordhin karaa Isbedalka lagu sameeyey Madaxda Amniga ee Dowlada?(Warbixin Xasaasi ah)


Muxuu soo kordhin karaa Isbedalka lagu sameeyey Madaxda Amniga ee Dowlada?(Warbixin Xasaasi ah)

SomaliArguments – Ra’isulwasaare Cabdiweli Ahmed oo ka soo laabtay Burundi ayaa dhamaan wafdigii la socday iyo hoowlwadeenadiisii gaarka ahaa uga haray Nairobi.iyagana waxay u gudbeen Muqdisho.

Ra’isulwasaaraha ayaa Guri ka kooban sedex qol jiif – qol fadhiya iyo beer ka kireeystay duleedka Magaaladda Nairobi,degaanka lagu lagu magacaabo Karen,wuxuuna halkaas shir albaabada u xiran kula leeyahay Jeneral Maxamed Saciid Xersi Morgan iyo Jeneral Maslax Maxamed Siyaad Barre.

Dad isku dayay inay booqdaan Ra’isulwasaaraha ayaa ku hungoobay kadib markii ilaaladiisa is hortaageen. Read the rest of this entry

Somalia’s 2016 Elections

Somalia’s 2016 Elections

Somalia’s 2016 Elections

Tuesday, September 30, 2014 Minneapolis—It’s called the “Uncommon Grounds Coffeehouse” for a reason I don’t understand. But in this particular night, it’s a bit chilly outside this two tier early Victorian American type house where the lower part of the house is a coffee cafe where hopeless romantics, students, cozy loving souls, and those who want to hide their faces behind the dim lights of this café meet and mingle quietly. Mixture of jazz and soft country music is playing on a speaker that’s hidden behind this artificial flourish green plant that’s fixed on the upper corner of where I am sitting. The soft and reddish sofa makes me feel too cozy and crave to cuddle with any soul that can handle a big heartfelt cuddle. But in this evening I am here to catch-up with friends and discuss non-fiction literature, politics and the surge of Somali “politicians” coming to Minneapolis holding small semi-planned gatherings in town. Read the rest of this entry

Prof Geedi oo Stockholm kula kulmay Per Lindgärde

imageSomaliArguments – Wefdiga uu hogaaminayey Raysal wasaarihii hore ee Somalia Prof Cali Maxamed Geedi ayaa la kulmay Maanta Per Lindgärde oo u qaabilsan geeska Afrika wasaaradda arrimaha dibadda Sweden. Read the rest of this entry

Design a site like this with WordPress.com
Get started